Home WARARKA GALMUDUG Amniga Gaalkacyo oo puntland iyo galmduug iska kashanayan ,puntland oo digniin dirty

Amniga Gaalkacyo oo puntland iyo galmduug iska kashanayan ,puntland oo digniin dirty

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Maamulada Galmudug & Puntland oo wadajira ay diyaar u yihiin inay ka hortagaan kuwa falalka amni darro ka geysta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Waxaa uu uga digay Xubnaha ka tirsan Ururka Al-Shabaab inay sii wadaan falalka Amni darro oo ay ka geystaan Gaalkacyo, isaga oo sheegay in laga gudbay xilligii la qarin jira kuwa dhibaatada geysta.

“Waxay ila tahay in laga gudbay xilligii aashuunka lagu adimi jiray, wayna dhamaaday in la iska dilo dadka aan waxba galabsan waana ka hortageeynaa ayuu yiri” Madaxweynaha Puntland.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu baaqay dhalinyarada ka tirsan Al-Shabaab inay isaga soo tagaan, isla markaana dadkooda dhinac ka raacaan.

Warkaan kasoo yeeray Madaxweyne Deni ayaa kusoo aadaya xilli dhowr jeer oo hore ay Magaalada Gaalkacyo ka dhaceen qaraxyo iyo dilal qorsheysan wallow bilihii la soo dhaafay amniga Magaalada uu ahaa mid wanaagsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here