Home Uncategorized WARARKA MAANTA Akhriso+Sawiro Horjooge burcad badeed Maxamed Gafaaje oo Gadiidka Dagaalka Dakada hobyo soo...

Akhriso+Sawiro Horjooge burcad badeed Maxamed Gafaaje oo Gadiidka Dagaalka Dakada hobyo soo dhigtay ,iyo Dakada oo xiran

0

HM__Xafiiska Gaalkacyo  :Sida aan la Wada socono Dakada Hobyo mudo 3maalin ah waxay u xayiran tahay ciidamo uu hogaaminayo Hogaamiihii Burcad Badeeda Maxamed Gafaaje oo diiday in dakada hobyo ay sii shaqaysto kadib markii isaga iyo ciidan ku qafilan gadiidka dagaalka ay qabsadeen dakada magaalada hobyo isla markana ganacsatadii ay u diideen in doomaha laga soo dajiyo alaabtii saarnayd.

 

maxamed gafaaje oo in mudo ah dhib wayn ku hayay shacabka magaalada hobyo aya mudo kadib magalada dib ugu soo laabtay isagaoo wata gadiidka dagaalka , waxana sida wararku ay shegaan uu lacago ka soo qaatay ganacsatado puntland ka soo jeeda iyo masuuliyin iyadoo qorshaha uu yahay in dakada hobyo lagu xiro.

Shirakda baraaruk oo marsada dakada hobyo lacago farabadan galisay si loga rumeeyo riyadii ahayd in hobyo ay yeelato dakad macmal ah inta laga gaarayo dhisme dakad wayn aya waxay  shaaciyeen in shqsigaasi iyo ciidamo uu wato ay dakada hawusheedii ay u xayiran tahay

Masuuliyinta shirkada aya madaxweyne qoor qoor oo uu ku heeb yahy ninkan burcad badeeda ah ee lagu magacaabo maxamed gafaaje ugu baaqay in uu wax ka qabto madama u qabad ku yahay dakada hobyo isla markana uu joojiyay hawushii dakada ka socotay.

Sida lagu helay xog lagu kalsooonan karo  oo ay heshay warbaahinta hobyomedia.com  Gadiid farabadan oo ay leeyihiin beesha reer haaji saleeman aya yaaala dakada hobyo halka laga soo dajin jiray badeecooyinka marasada laga dajiyo waxana gabi ahaanba istaagay shaqadii ka socotay marsada dakada hobyo.

Ma jiro wax waan waan ah ama ciidamo ka socda maamulka galmudug oo isku dayaya in burcad badeeda laga hor leexiyo ganacsatada , balse warar lagu kalsoon karo aya waxay shegayan in qorshaha dakada lagu xirayo ay ka miday yihin odoyaal ka soo jeeeda beesha saleeman kuwasi oo diidan in ganacsada ka soo jeeda beesha sacad ee galmduug ay iyagu inta badan maalgaliyeen gacantana ay ku hayaan maamulka dakada hobyo.

Dhanka kale , waxa dhici kara dagaal madama arintan wali xal loo la, yahay waxana ganacsada iyo shirkada  baraarug ay fariin u direen hogaamiyaha maamulka galmduug , iyagoo ka codsaday in arintan wax laga qabto

Gabi ahaanba waxa joogsaday hawushii dakada , mana jirto xal kale oo muuqda waxana bada ku jira doomi alaabo kala duwan u wada  ganacsada reer Galmudug

HALKAN HOOSE KA DAAWO GADIIDKA DAGAALKA OO UU DAKADA UU SOO DHIGTAY 

Wixii Warar ah oo ku soo kordha kala soco hobyomedia.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here