Home WARARKA GALMUDUG Aqri Xogta ku sabsan Maleeshiyad Hubaysan oo mudo 3 maalin ah...

Aqri Xogta ku sabsan Maleeshiyad Hubaysan oo mudo 3 maalin ah xoog ku Haysta Dakada Hobyo, diidayna in wax laga soo dajiyo

0
Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay xafiiska warqabadka hobyomedia.com aya sheegay in maleeshiyaad hubaysan oo ka soo jeeda magaalada cadaado ay xoog ku qabsadeen dakada magalada hobyo halkaasi oo ay ka socotay dajinta badeecado u soo dagayay ganacsatada ka soo jeeda galmudug
Malesshiyaadkan oo ku hubaysan gadiidka dagaalka aya waxa hogaaninaya shaqsi horay u ahaan jiray burcad badeed kaasi oo lagu magacaabo maxamed gafaaje
ilo wareedyo lagu kalsoon yahay aya inoo xaqijiyay in ay wali xayiran tahay shaqada dakada isla markasna ay socdaal dadaalo madama maleeshiyaadka ay ku hubaysan yihiin gadiidka dagaalka.
Shirkadda Baraarug ee Dekedda Hobyo wax kasoo dejisa ayaa sheegtay in Habeenkii sedexaad ay u Xaniban Yihiin Maleyshiyaad hubeysan oo la Wareegay Dekedda diidayna in rarka laga Dejiyo Dooni Gawaari sida oo Dekedda kusoo xiratay oo ay ka doonayaan lacag baad ah.
Shirkadda ayaa ugu baaqday Madaxweynaha Galmudug in uu arinta soo farageliyo waxna ka qabto Maleyshiyaadka diidan Horumarka ganacsi ee Dekedda Hobyo ee Gobalka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here