Home WARARKA GALMUDUG AqrisoXog: ahlusuna oo qorshaynaysa inay Si nabad ah uga Baxdo Guriceel kahor...

AqrisoXog: ahlusuna oo qorshaynaysa inay Si nabad ah uga Baxdo Guriceel kahor inta aysan Ciidamada Dowladu Galin Guriceel

0

Update. Xogaha laga helayo Saraakiisha Ahlusunnada hubeysan ee Guriceel kusugan ayaa sheegaya in uu socdo qorshe Sheikh shaakir lagu geynayo huurshe, kahor inta aysan Ciidamada dowladu galin guriceel, xogaha lahelayo ayaa muujinaya jiritaanka kala shaki soo dhex galey saraakiisha iyo xubnaha kale ee kooxdan, kuwaa oo qaarkood isku dhiibay odayaasha dhaqanka kana codsadey in ay kala hadlaan Madaxwayne QoorQoor si loo siiyo cafis maadaama markii hore ay ka goosteen Ciidamada qalabka sida qaybohooda kala duwan.

Ilaa dhowr iyo toban rag ah oo ku hubeysan hubka fudud ayaa isku soo dhiibay Ciidamada dowlada ee fadhigoodu yahay Ceeldheere, waxaana socda qorsheyaal kale oo lagu soo bixinayo xubnaha wali codsanaya in ay kasoo baxaan aagaga guriceel ee katirsan kooxda daacada u ah Macalin Maxamuud iyo Sheikh Shaakir.

Maxaa la gudboon Ahlusunnada Guriceel heysata ee dagaalku ku wajahan-yahay.?

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here