Home WARARKA GALMUDUG Raysulwasaare Rooble oo Safar Degdeg ah dalka Dibadiisa ugu baxay Xili Farmaajo...

Raysulwasaare Rooble oo Safar Degdeg ah dalka Dibadiisa ugu baxay Xili Farmaajo Asna Saakay Ethopia Usafray

0

Ka dib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Amiirka Qadar, Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble & wafdi uu hogaaminayo ayaa u dhoofay magaalada Doha ee dalka Qadar maanta oo Isniin ah .

Ujeedada booqashada Ra’isul wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa ah sii xoojinta cilaaqaadka labada waddan ee Soomaaliya iyo Qadar.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa inta uu joogo Doha waxa uu kulan la qaadan doonaa Amiirka dalka Qadar Shiikh Tamiim Bin Hamad Al-Thani iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Khalid Bin Khalifa Bin Cabdulcasiis Althani.

Dowlad Qadar ayaa saaxiib dhow la ah Soomaaliya iyadoo hadda ka wadda mashaariic horumarineed oo ay ugu weyn tahay dhisamaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo la dhameeyay iyo sidoo kale Muqdisho iyo Jowhar oo hadda ay howsheedu socoto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here