Home WARARKA GALMUDUG Tuulooyin ku Hareeraysan Guriceel oo laga bilaabay Qorista ciidamo lagu dagaalamaayo Ahlusuna...

Tuulooyin ku Hareeraysan Guriceel oo laga bilaabay Qorista ciidamo lagu dagaalamaayo Ahlusuna Waljamaaca

0
Degmada Guri-ceel Hareereheeda waxaa laga bilaabay Qorista Ciidamo la doonayo in lagula Dagaalamo Ahlusunna oo hada Degmadaasi Gacanta ku haysa waana Arin soo cusboonaatay
Qorshahan ayaa waxaa Gacanta ku haya Masuuliyiintii Maamulka Guri-ceel oo Mid kastaa Halka Jufadiisu dagto uu Ciidamo ka diyaarinayo si Mar kale Talada Guri-ceel ay ula wareegaan.
Gudoomiye ku-xigeenka Arimaha Bulshada Guri-ceel C/risaaq C/laahi Faarax ayaa Deegaanka Toon-gabuun waxa uu ka bilaabay inuu Ciidamo Maleeshiyaad ah halkaasi ka aruuriyo.
Dhinaca Oodaale ayaa isna waxaa Ciidamo ka abaabulaya Gudoomiyihii Degmada Guri-ceel Aanas Cabdi Macalin (Fataate) halkaas ayuuna Maalmihii la soo dhaafa ku sugnaa.
Habeen ka hor ayaa Ahlusunna Guri-ceel ka soo masaafurisay Gudoomiye ku-xigeenkii Amniga iyo Siyaasadda Guri-ceel C/shakuur indho ka dib markii ay uga shakiyeen inuu Guri-ceel Abaabul ka wado.
Qorshahaan ayaa ah Talaabo uu Garwadeen ka yahay Maamulka Guri-ceel oo Dibad joog ah wixii ka dambeeyey markii Ahlusunna Guri-ceel la wareegtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here