Home WARARKA GALMUDUG Xog Culus :Dhibaato xoogan oo ka dhacday inta u dhaxaysa Gawaan...

Xog Culus :Dhibaato xoogan oo ka dhacday inta u dhaxaysa Gawaan iyo Wisil OO hoostega Magaalada Hobyo

0

Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah ayaa ku gubtay inta u dhexeeysa deegaanada Gawaan iyo Wisil ee hoostega Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug ee Galmudug, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno.

Dad ku sugan Wisil ayaa waxaa ay ku warrameen in dabka xoogan uu ka kacay gaariga oo safar dheer ku jiray, kuna wajahnaa degaano ka tirsan Galgaduud, waxaana dabkaas uu ka dhashay matoorka gaariga.

Ganacsade Maxamed sharad oo ah Milkiilaha leh gaariga gubtay ayaa sheegay in wax khasaaro nafeed ah uusan geysan dabka ka kacay gaariga, isla markaana uu jiro oo kaliya khasaaro hantiyadeed, maadaama oo gebi ahaan gubtay gaariga.

Dadkii saarnaa gaariga ayaa si nabad ah uga degay, kadib markii uu darawalkii waday gaarigaas ku wargeliyay inay cilad ka jirto Matoorka gaariga, kadibna waxaa mar qura dab xoogan uu ka kacay gaariga oo safar ku jiray.

Wiixii Warr ah oo ku soo kordha kala soco hobyomedia.com

HOOS KA DAAWO  SAWIRADA GAARIGA OO GUBANAYA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here