Home WARARKA GALMUDUG Al Shabaab oo shaacisay in weerar layaab leh ku dileen Masuuliyiin iyo...

Al Shabaab oo shaacisay in weerar layaab leh ku dileen Masuuliyiin iyo xubno kale

0

Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay in xalay dagaalyahano katirsan kooxdaasi weerar qorsheesan ka fuliyeen deegaanka lagu magacaabo Taabto oo katirsan gobolka Jubadda Hoose ayna halkaasi ku dileen masuuliyiin iyo saraakiil.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerar gaadmo ah ayna la yaabeen dadka deegaanka Taabto lagu qaaday guri kuyaala deegaankaasi ay ku sugnaayeen masuuliyiin iyo saraakiil ciidan.

Al Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi ku dileen guddoomiyihii deegaanka Taabto  Max’med Jiis,  madaxii Canshuuraha deegaanka Cumar Abuukar Abgaaloow iyo sargaal ciidan oo lagu magacaabo Daahir Dheere.

Guriga weerarka lagu qaaday laguna dilay sadexdan xubnood oo katirsanaa maamulka Jubbaland ayaa la sheegay in uu ku yaalay meel aan ka fogeyn saldhiga ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Taabto.

Al Shabaab ayaana sheegatay masuuliyadda dilka ka dhacay  Taabto, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in ragii dilka ka dambeeyay si nabad galyo ah uga baxeen deegaanka Taabto ee katirsan Jubbada Hoose

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here