Home WARARKA GALMUDUG Faaduma Cusmaan oo saacad iyo Bar ka hor meherkeeda geeriyootay

Faaduma Cusmaan oo saacad iyo Bar ka hor meherkeeda geeriyootay

0

HAMBALYADII AROOSKA EE TACSIDA ISKU BEDESHAY 😢.

FAADUMO CISMAAN AADAN DHEEG Alle ha unaxariistee waxey saaka kulansatey Meher iyo Geeri 1-saac kadib waxa loo balansanaa meherkeeda, balse waa ey geeriyootey walaal Faadumo Alle ha uraxmado ee waxa kusoo boodey xanuunka faaliga, mowtul qafle ama mowtul faji ayeey aheed dhimashadeedu.

Tani waa cibaaro, waa dhacdo dunida ku yar oo aan badi la arag, waxa dhawr bilood kahor sidan oo kale ka dhacdey jigjiga caruuskii markii meherkiisa lagasoo dareeray kadib geeriyoodey oo baabuur la rogmaday 😢.

Naftu intaasey bini-aadamka ujirtaa, alle ha inaga yeelo kuwii mawdku uu lakulmo iyagoo kheyr kugudo jira (Aamiin).

Ilaahoow adaan kaa magan galnay mowtu Qaflaha, usoo duceeya in rabbi janadiisii geeyo walaasheen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here