Home WARARKA GALMUDUG Sawiro:UNOCHA iyo UNHCR oo Gaaray Koonfurta Magaalada gaalkacyo

Sawiro:UNOCHA iyo UNHCR oo Gaaray Koonfurta Magaalada gaalkacyo

0

Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada Degmada Gaalkacyo Daahir Maxamuud Cilmi Oo Ay Weheliyaan Xubno Ka Socday Hay’adaha UN OCHA, UNHCR ayaa maantay kormeer ku tagay qaar ka mid ah Kaamamka Barakacayasha ee ku yaalo duleedka Magaalada Gaalkacyo.

Xubnahaan ayaa kormeeray deegaanka Xaar Xaar iyo goobo cusub oo ay deegaansaden qoysaska ay saameeyen Abaaraha ka jira deegaanada Gobolka Mudug .

Horjoogayasha kaamaamka la kormeeray ayaa u sheegay Agaasimaha Arrimaha Bulshada Dowlada Hoose iyo xubnaha la socday in ay wajahayaan xaalado adag oo ay ku nool yihiin qoysaska Barakacayasha ah ee Degmada Gaalkacyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here