Home WARARKA GALMUDUG Deg Deg Weerar culus oo xalay dhax maray shababka mudug iyo ciidanka...

Deg Deg Weerar culus oo xalay dhax maray shababka mudug iyo ciidanka darawishta galmudug

0

Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa Howlgal Qorsheysan oo Xalay ay ka fuliyeen Boholaha Godyaanyo oo ka tirsan Deegaanka Qararow Ee Koonfurta Gobolka mudug waxay ku Burburiyeen Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay kaasi oo Maleeshiyaadka Alshabaab doonayeen iney ku dhibaateeyaan bulshada Deegaanka.

Saraakiisha Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Deegaanka Qararow ayaa  u xaqiijiyay hobyomedia inay Howlgalkaan Xalay Saqdi dhexe uu dhacay waxay Intaasi ku dareen In Maleeahiyaadkii damacsanaa dhagarta lagu dilay Hawlgalkaas.

Wararka aya intaasi ku daraya in shabab ay xarardheere ka wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan , iyagoo qirsheynaya in weeraro toos ah iyo kuwa gaadmo ah ay ka geystan deganada Galmudug

Lamaha  amaanka oo saaka hobyomedia ay la xiriirtay  aya ka gaabsaday qasaaraha labada dhinac in ay faah faahiyaan

Sikasta ha ahaatee arintan aya salka ku hysa arimo culus , waxaana hada ay shabab soo bandhigayaan awooda ay ku leeyihiin gobalka mudug halka madaxda maamulka galmuduf ay wali indhaha ka xiranayaan wax ka socda gobalka mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here