Home WARARKA GALMUDUG Guriceel iyo Dhuusamareeb oo lagu xiray Dad badan sabab kayaab leh Darteed

Guriceel iyo Dhuusamareeb oo lagu xiray Dad badan sabab kayaab leh Darteed

0

Ciidamada amaanka ee Degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ayaa xiray tiro aad u badan oo kamid ah dadkii Maalmo ka hor Deegaanka Bohol uga qaybgalay munaasabad ay kasoo muuqdeen madaxda kooxda la baxdey Ahlusunna.

Ciidamada oo adeegsanaya macluumaad gaar ah iyo tixraaca sawirada iyo muuqaaladii laga duubey bohol ayaa labada Magaalo ka bilaabay in Dadkaasi la soo qabto, waxaana caawa xabsiyada ku hoyanaya xubno aad u badan oo qaarkood lagu tuhmayo in ay kooxda ku taageereen hiil dhaqaale iyo farsamooyin kaleba.

Marka laga soo tago in la dhigo Munaasabadaas oo kooxda la baxdey Ahlusunna Sanad waliba qabato, hadana waxa ay Xambaarsaneed Fariin Dagaal oo kooxdani halkaasi ka soo diraysay, waxa ayna soo bandhigeen dhalinyaro ay hubeeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here