Home WARARKA GALMUDUG Kheyre oo ka hadlay waxa ay sababsatay Xil.Amino

Kheyre oo ka hadlay waxa ay sababsatay Xil.Amino

0

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo Muqdisho uga qeybgalay kulan loogu duceynayey Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi iyo muwaadiniintii kale ee lagu dilay qaraxyadii ka dhacay magaalada Beledwayne, ayaa xusay in ay sababsatay dowlad xumada iyo amni darada ka jirta dalka.

Khayre oo ku amaanay xildhibaan Aamina sida ay go’need u adeegida dadka iyo dowlad-nimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in “Xildhibaan Aamino waligeeda dan shaqsi ah iiguma imaan, waxay ahayd qof bulshada u adeegta.

Khayre oo hadda ah Musharax madaxweyne ayaa ka dalbaday bulshada Soomaaliyeed in ay cafiyaan xildhibaan Aamino isla markaana ay u duceeyaan maadaama ay dalkaan ugu soo adeegtay waqti adag.

Si aan ugu tusaale qaado walaasheena Aamina, inteena nool ee halkaan isku timid, inteena wax kala gaareen in aan is cafino” ayuu yiri Xasan Cali Khayre oo hadalkii raaciyay “Anigu waxaan codsanayaa in qof walba oo wax iga tirsanaya uu iska kay cafiyo, anigana waa caafiyay”.

Khayre ayaa ku booriyay dowladda in ay la dhamaystiro doorashooyinka dalka waqtii loogu talagalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here