Home WARARKA GALMUDUG Deg deg ciidanka ahlusuna oo gudaha u soo galay dhhusamareeb iyo dagaal...

Deg deg ciidanka ahlusuna oo gudaha u soo galay dhhusamareeb iyo dagaal laga cabsi qabo

0

DegDeg: Ciidamada Dowlada Federaalka, kuwa Galmudug iyo Ciidamada ATMIS ayaa heegan sare ka galey Xaafadaha Magaalada Dhuusamareeb, waxaana la arkayaa askar aad u badan oo saacadihii u dambeeyay lasoo dhoobey wadooyinka soo gala Magaalada iyo xarumaha muhiimka ah ee Dowlada.

Sidoo kale ciidamo aad u hubeysan ayaa la geeyay dabaqyada iyo dhismayaasha kale ee ku yaala bartamaha Magaalada, xili ay jiraan warar sheegaya in Kooxda la baxdey Ahlusunna ay wado dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aan la ogeyn halka sida rasmiga ah ay ugu wajahan yihiin, iyadoo lasoo wariyay in ay dhowr wado oo jahooyin kala duwan ah uga ruuqaan sadeen deegaanka Bohol oo ay joogeen bilihii lasoo dhaafey.

Shacabka Dhuusamareeb iyo Guriceel oo cabsi badan ka qaba in dushooda lagu dagaalamo ayay qoysaska qaarkood bilaabeen in ay ka qaxaan aqaladooda, iyagoo u barakacaya deegaanada miyiga ah ee ka durugsan magaalooyinkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here