Home Uncategorized WARARKA MAANTA Musharax kale oo U Tanaasulay Cabdiraxman Cabdishakuur

Musharax kale oo U Tanaasulay Cabdiraxman Cabdishakuur

0

Musharaxii labaad oo kasoo jeeda beesha Habar-gidir ayaa ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo sheegay inuu “u tanaasulay” musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isna ka mahad-celiyey “tanaasulka” uu u sameeyey Cabdinaasir.

Habeen hore ayaa waxaa sidan oo kale tartanka uga haray madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo isna sheegay inuu “u tanaasulay” Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Inkasta oo labada musharax ee ka haray tartanka ay sheegeen inay tanaasul sameeyeen, haddana waa erey u muuqda mid aan ku habooneyn tallaabada ay qaadeen, sababtoo ah ma jiro tartan toos ah oo kala dhaxeeya hal musharax, mana la gaarin xilligi doorashada oo ay tanaasuli karaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here