Home Uncategorized WARARKA MAANTA Musharixii ugu horeeyey ee ka haray Tartanka Beri ee Madaxweynaha Soomaaliya

Musharixii ugu horeeyey ee ka haray Tartanka Beri ee Madaxweynaha Soomaaliya

0

Daahir Maxamuud Geele ayaa Bartiisa Facebooka Ku Qoray Sidaan:

SHAACIN KA HARITAANKA TARTANKA DOORASHADA MADAXWEYNAHA 10-AAD EE JFS.

Waxaan marka hore u mahadnaqayaa Alle, marka xigana kooxda iyo taageerayaasha ololahayga murashaxnimo.

Waxaan si rasmi ah u shaacinayaa in aan ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xelli doorasheedkan, aniga oo sii wadi doona dadaallada aan ugu jiro toosinta iyo horumarinta siyaasadda Soomaaliya.

Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa mudanayaasha baarlamaanka ee sida dhaw ii garab istaagay muddadii aan ololaha ku jirnay.

Waxaan xildhibaannada baarlamaanka 11-aad ee JFS ku boorrinayaa uguna ducaynayaa in ay dalka u dooraan hoggaan wanaagsan oo astaan u noqon kara isbaddalka loo baahan yahay.

Musharixiin kale ayaa La Filaya inay ayaguna Ka Haraan Tartanka Beri oo ay isku Soo Sharaxeen in Ka Badan 40 Musharax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here