Home WARARKA GALMUDUG Qoorqoor oo wajahaya cadaadis siyaasadeed

Qoorqoor oo wajahaya cadaadis siyaasadeed

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor] ayaa wajahaya culeys siyaasadeed oo uga imaanaya Madasha Badbaada Galmudug, Xildhibaanno hore iyo qaar ka mid ah xubnihii hore uga baxay Golihiisa Wasiirrada, kuwaas oo hadda ku ah mucaarad xoogan.

Sida ay muujinayaan xogaha ay heleyso hobyomediq Online, hoggaanka Madasha ayaa maalmahaan ku wajaan degaannada Galmudug,  gaar ahaan magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado, waxaana magaalooyinkaas laga dareemayaa curashada dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo xoog leh.

Madasha ayaa hore Qoorqoor ugu eedeysay gudasho la’aanta waajiaadkii loo igmaday iyo inuu ku fashilmay fulinta ballanqaadyadii arrimaha bulshada, Amniga, Horumarinta, Musuqmaasuqa, Doorashooyinka iyo dhamaan edeegyada Dowladaa ee lama huraanka u ah Shacabka Galmudug.

Madaxweyne Qoorqoor, ayaa dhankiisa u yeeray Xildhibaannada heer Federaal ee saaxiibka la ah, si ay qeyb uga qaataan xal u helidda culeyska siyaasadeed so kordhay, waxaana durba Dhuusamareeb gaary Xildhibaanno ka mid ah kuwii uu kuraasta u xiray doorahsadii dhaweyd.

Qoorqoor, wuxuu ka mid ahaa Madaxweynayaal ay Dowladdii hore u boobtay qaar ka mid ah kuraasta ugu sarreysa dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Fedraalka, wuxuu si weyn ula shaqeeyay Farmaajo iyo Fahad, isagoo dadaal xooggan ku bixiyay doorashadii 15 May in mar kale Farmaajo dib loo doorto.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo caleema-saarkiisii ka hor tagay Dhuusamareeb ayaa sheegay in Dowladdiisu aysan cidana duullaan ka ahayn, isla-markaana ay la shaqeyn doonaan maamulka talada haya ee Dowlad Gobolleed kasta, lana soo af-jaray kala aragti duwanaantii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here