Home WARARKA GALMUDUG Axmad taakilo oo loo doortay Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Galmudug(Warbixin)

Axmad taakilo oo loo doortay Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Galmudug(Warbixin)

0

HM-xafiiska Vienna :-Mudo kadib wariyaasha ka Shaqeeya galmudug waxay ku Guulaysteen in dib loo soo dhiso ururka suxufiyiinta Galmudug oo in mudo ah u xayirna is qabqabsi u Dhaxeeyay wariyaasha ka hawulgala degaanada dowlad Gobaleedka galmudug.

Wariyaal isaga kala yimid deganada maamul Gobaleedka galmudug oo maalmo ku shirsanaa agaalada dhuusamareeb aya ugu Danbeyn waxay Halkaasi ku soo Dhiseen hogaanka Ururka Saxafiyiinta Galmudug , iyadoona si kumeel gaar ah loogu doortay Axmad taakilo.

Mxaa ka naqaan Gudoomiyaha Ururka saxafiyinta Galmudug axmad Taakilo.

In ka badan 17 sano ayuu ka mid ahaa wariyaal faro ku tiris ah oo ka shaqaynayay gobalka mudug gaar Ahaan magaalada gaalkacyo , Waxaana uu ka mid ahaa Sidoo kale wariyaaashi waqtigooda inta Badan ku soo Bixiyay baahinta Wararka baniadanimada , Siyaasada iyo Arimaha bulshada .

Aas Aaskii Maamulkii Galmudug ayuu ka mid ahaa Wariyaashii la Soo shaqeeyay madaxdii kala Duwanayd  ee galmudug , isagoona Sidoo kale wax ka soo dhisay Ururadii saxafada gobalka mudug.

Warbahinta Qaramada midoobey u Qaabilsan arimaha Baniadanimada ee (ERGO)  oo in mudo ah uu la Shaqaynayay  kadib ayuu xooga Waxa uu saaray soo saarista , tababarida wariyaal uu yeesho Gobalka mudug Gaar ahan Magaalada gaalkacyo, waxana uu idaacada codkamudug uu ku tababaray wariyaal farabadan , Kuwaaasi oo ilaa iyo hada u Shaqeeya bulshada Gaalkacyo.

Ugu danbeyn axmad taakilo aya wariyaashii doortay waxay u igmadeen in uu soo diyaariyo (soo Agaasimo( doorasho iyo diwangalin guud oo loo samaynayo Wariyaasha galmudug.

Ururada saxafiyiinta dalka intoo badan ayaa soo Dhaweeyay dhisida ururka saxafiyiinta galmudug ,Waxaana Wariyaasha galmudug loogu baaqay in ay garab istaagan Hogaanka Ururka Saxafiyiinta Galmudug.

W/Q:- Samiir Xasan Adan

ViennaAustria

Email:- samiirxasan@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here