Home Uncategorized WARARKA MAANTA Wararkii ugu dambeeyey hoobiyeyaal lagu weeraray xarunta madaxtooyada

Wararkii ugu dambeeyey hoobiyeyaal lagu weeraray xarunta madaxtooyada

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday madaafiic oo maanta lagu qaaday agagaarka xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, kaas oo sababay khasaare kala duwan.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in hoobiyeyaasha oo gaarayey illaa 5 madfac ay ku dhaceen xaafado ku yaalla dhinaca Filorensa oo ku dhow xarunta Villa Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dad shacab ah ay waxyeelo kasoo gaareen hoobiyeyaashaas oo ku dhacay guryhooda, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha amniga.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in madaafiicda laga soo tuuray dhanka degmada Hodan, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here