Home Uncategorized WARARKA MAANTA Ciidanka Dowladda oo Saakay Weeraray Maxkamadii Al Shabaab saari jireen dadka Muqdisho

Ciidanka Dowladda oo Saakay Weeraray Maxkamadii Al Shabaab saari jireen dadka Muqdisho

0

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo kuwa Duufaan ayaa saakay howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Basra iyo deegaano kale oo ku dhow dhow oo hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida aan wararka ku helnay ciidankan ayaa si gaar ah weerar ugu qaaday Beerta Cali Mahdi halkaas oo la sheegay in Al Shabaab ku lahaayeen saldhig iyo maxkamad ay uga yeeraan dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Dagaal xoogan oo dhaliyay khasaaro kala duwan ayaa halkaasi ku dhaxmaray ciidanka dowladda ee weerarka qaaday iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo ku sugnaa beerta Cali Mahdi iyo meelo kale oo ku dhaw dhaw.

Saraakiil katirsan ciidanka dowladda ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgalka socda ku laayeen inta badan dagaalyahanadii Al Shabaab ee ku sugnaa goobaha ay saakay weerareen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in ciidamada dowladda gacanta ku dhigeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab sidoo kale xabsi kasii daayeen ganacsato iyo dad kale oo u xirnaa Al Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here