Home WARARKA GALMUDUG Booliska Nigeria oo baadigoobaya aabe fal naxdin leh ku sameeyay wiil uu...

Booliska Nigeria oo baadigoobaya aabe fal naxdin leh ku sameeyay wiil uu dhalay

0

Ciidamada amaanka Nigeria iyo kooxaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa raadinaya aabe si bareer ah gacanta uga jabiyay canugiisa oo labo bilood jir ah, sababta ayaana lagu sheegay in aabuhu dhibsaday oohinta ilmaha yar.

 Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Confidence Amatobi, kana soo jeeda gobolka Imo ee koonfurta Nigeria, ayaa baxsaday kadib markii uu falkaasi gaystay.

 Si kastaba ha ahaatee, hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa ugu baaqay maamulka gobolka Imo iyo booliiska inay soo qabtaan Amatobi.

 Tan iyo markii uu falkaan dhacay, ma jirto cid ka war heshay aabaha dhalay cunuga yar oo ka cararay gurigiisa ka dib markii uu ogaaday baaxadda dambiga lagu eedeeyay inuu geystay.

Sidee wax u dhaceen ?

BBC-da oo xiriir la sameysay ciidamada booliska ee gobolka Imo si ay xog dheeraad ah uga hesho, arrintaan ayaa loo sheegay in aysan jirin cid u soo gudbisay booliska dacwad ku saabsan waxa aabbahaan cunugiisa yar ku sameeyay.

Balse madaxa ururka saxafiyiinta haweenka Nigeria, NAWOJ, laanteeda gobolka Imo, Dorothy Nnaji ayaa sheegtay in ninkan uu ku dhuftay wiilka uu dhalay nabar sababay in gacantu ay jabto.

 Sida wararku sheegayaan, Mr. Confidence Amatobi waa 31 jir. Xaaskiisana Favor waa 20 jir. Hooyadan ayaa sheegtay in falkan uu dhacay Khamiistii la soo dhaafay, markaas oo ay ilmaha u dhiibtay aabihii.

Waxay sheegtay inay maqashay ilmaha yar oo aad u ooynaya, waana arrinta ku kalliftay inay ku degdegto inay ogaato waxa ku dhacay wiilkeeda yar.Kadib waxay ogaatay in ninkeedii uu wiilka gacanta ka jabiyay, muddo yar gudaheedna ay gacantu barartay.

Intaas kadib waxay waydiisay saygeeda sababta uu gacanta uga jabiyay cunugiisa yar; Amatobi ayaana u sheegay xaaskiisa in oohinta cunuga ay dhibtay oo uu ka ledi-waayay.

Amatobi markii uu ogaaday in wiilka uu dhalay ee yar gacantiisu ay jabantahay ayuu biilaabay in gacanta uu xiro. Intaas kadib xaaskiisa iyo wiilka yar ayuu guriga ku xiray halkaasi oo ay muddo laba maalmood ah ku jireen.

 Arrintaan ayuu uga gol-lahaa in aanay fursad u helin in dariskiisu ay oggaadaan isla markaana booliska ku wargaliyaan falka naxariis darada ah ee uu sameyay.

 Favor ayaa sheegtay in ugu dambeyntii ay heshay waddo ay guriga uga baxdo ka dib labo maalmood oo ay ku xayirned halkaa,deriskeeda ayaana ku caawiyay in ay ilmaha geyso cusbitaal.

 Si kastaba ha ahaatee, jabkii gacanta ka soo gaaray ilmaha yar ayaa sababay in ay gacantu qaaddo caabuq, isla markaana la gooyo.

 Maxay hay’adaha amniga ka qabanayaan?

Mar sii horeysay, ciidamada ammaanka ee gobolka Imo, ayaa gacanta ku dhigay ninka lagu eedeyay falkaan, balse waa uu baxsaday.

 Hay’adaha Xuquuqul Insaanka ee gobolka Imo ayaa wacad ku maray in ay gacanta ku soo dhigi doonaan eedeysanaha oo ay ku wareejin doonaan Ciidamada Ammaanka si loo maxkamadeeyo.

 Arintan ayaa si weyn u qabsatay baraha bulshada iyadoo dadku ay si aad ah uga xumaadeen una cambaareeyeen falkan lagula kacay ilmaha yar.

 Sanadkii hore, lamaane ayaa wiilkooda u dilay madax adayg isla gobolkan Imo. Arrinta aan ilaa hadda la xaqiijin ayaa ah in Amotobi uu dhimirka ka jiran yahay iyo in uu si ula kac ah u sameeyay arrintan.

Xigasho:- bbc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here