Home Uncategorized WARARKA MAANTA DFS Oo Switzerland Ka Dalbatay Bixinta Deeq Ay Hore Ugu Balanqaaday

DFS Oo Switzerland Ka Dalbatay Bixinta Deeq Ay Hore Ugu Balanqaaday

0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan la qaatay madaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Switzerland.

Kulanka ayaa ka dhacay magaalada Bern ee caasimadda Switzerland, waxaana Ergeyga ku weyliyay safiirka Soomaaliya ee dalkaas, iyadoo looga hadlay kordhinta kaalmada gurmadka abaaraha iyo sidii Switzerland ay Dowladda Soomaaliya uga gacan siin lahayd helista dhaqaalaha loo qoondeeyey waddamada uu is-beddelka cimilada saameeyay.

Ergeyga ayaa Switzerland kala hadlay in si toos ah kaalmada bani’aadannimo loo siiyo Dawladda Federaalka iyo hay’adaha Soomaaliya ee ka shaqeeya arrimaha sama-falka, si loo fududeeyo in gargaarku si degdeg ah u gaaro dadka nugul ee abaaruhu sida daran u saameeyeen, lana dhiso kartida hay’adaha dawliga ah ee Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka sii horreeyay shir ka dhacay Magaalada Genève oo looga hadlayey saameynta masiibooyinka caalamiga ah ee is huwan, badqab la’anta cuntada iyo Isbeddelka Cimilada ay ku leeyihiin qaxootiga iyo barakaca bulshooyinka, kaasoo Ergeygu diiradda ku saaray saamaynta ay Is-beddelka Cimilada ku yeelatay Soomaaliya.

Ergeyga ayaa Dowladda Switzerland uga mahadceliyey kaalmada ay Soomaaliya siiyaan, isagoo ku boorriyay mudnaanta ay siinayaan dalalka gobolka ee ku aaddan iskaashiga horumarinta Switzerland ee hoos yimaada barnaamijka iskaashiga Geeska Afrika.

Ergeyga ayaa inta uu ku sugan yahay dalkaan la kulmi doona Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland, kulan ka dhici doona magaalada Zurich, isagoo Jaalidda uga warbixin doona xaaladda guud ee dalka kuna dhiiragalin doona sidii ay qeyb lixaad leh uga qaadan lahaayeen gurmadka abaaraha iyo dagaalka ka dhanka ah Argagaxisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here