Home Uncategorized WARARKA MAANTA Ciidamada DF oo weeraray goob ay AL-SHABAAB isku uruursanayeen KADIB

Ciidamada DF oo weeraray goob ay AL-SHABAAB isku uruursanayeen KADIB

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen agagaarka deegaanka Sabiid oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay weerar culus ku qaadeen goob ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku taalla duleedka deegaanka Sabiid.

Saraakiisha horkaceysay howlgalka ayaa sheegay in howlgalkaas ay ku dileen illaa 20 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ku howlanaa diyaarinta weerar ay iyaguna ku soo qaadaan fariisimaha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku yaalla halkaasi

Maxamed Abuukar Axmed oo ah guddoomiyaha maamulka deegaanka Sabiid ayaa dhankiisa sheegay in xubnaha la dilay ay ahaayeen kuwo si dhuumaaleysi ah ku yimid halkaasi  islamarkaana howlgalka ay fuliyeen ciidamada uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in weli uu socda howlgalka, islamarkaana ay ciidamada isku ballaariyeen tuulooyinka hoos yimaada deegaanka Sabiid oo marar badan lasoo weeraray.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here