Home WARARKA GALMUDUG DEG DEG: Alshabaab oo Weerar ku Bilowday Qaraxyo ku Qaaday Deegaanka Qaayib...

DEG DEG: Alshabaab oo Weerar ku Bilowday Qaraxyo ku Qaaday Deegaanka Qaayib ee Galmudug

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal culus uu haatan ka socdo deegaankaasi.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay dhowr jiho ka soo weerareen fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Qaraxyo waaweyn ayaa xilligii Salaadda Subax laga maqlay deegaankaasi, waxaana xigay weerar toos ah oo Shabaabku ku ekeeyeen xeryaha ciidamada.

Qaayib ayaa 30km u jirto Degmada Baxdo, waxayna wararka sheegayaan in isgaarsiinteedu ay aad ciriiri u tahay.

Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo xoogaga deegaanka ayaa goor dhow gurmad ahaan uga baxay Degmada Baxdo.

Weerarkan ayaa imaanaya, xill Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ay 25-kii bishii October dagaal culus kula wareegeen deegaankaasi.

Shabaab ayaa saldhig weyn ku lahaa Qaayib, oo dhowr iyo toban sano ay ka arriminayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here