Home WARARKA GALMUDUG Daawo saraakiil sar sare oo wali hobyo ku sugan ,iyo kulamo xasasi...

Daawo saraakiil sar sare oo wali hobyo ku sugan ,iyo kulamo xasasi ah oo socda

0

Taliyaha ciidamada dhulka ee xoogga dalka Jen- Maxamed Tahliil biixi ayaa maanta magaalada Hobyo kulan kula qaatay Wefdi uu hoggaaminayey wasiirru-dowlaha arrimaha gudaha Galmudug Cumar Guureeye, kulankaas ayaa ku saabsanaa qaabkii la isaga kaashan lahaa dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.

Wefdiga ayaa taliyaha kala hadlayey qaabkii la isku haleeshiinlahaa ciidamada xoogga dalka ee horey u joogay furimaha dagaalka ee koonfurta Mudug iyo ciidamo laga soo ururiyey Cadaado, Baxdo iyo degaannada hoos yimaad, kuwaas oo xalay soo gaaray Hobyo, uuna hor kacayayey wasiir dowlahaha arrimaha gudaha Galmudug Cumar Guureeye.

Dhinaca kale wasiir cumar guureeye, wasiir ku xigeenka qorshaynta Galmudug Maxamed Dhega-cadde, guddoomiyaha Hobyo Cabdullaahi Faat iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeer ku sameeyey goobo muhiim ah oo ku yaal degmada Hobyo, iyagoo indha indhayn ku sameeyeey qaabka ay u socdaa adeegyada bulshadu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here