Home WARARKA GALMUDUG Daawo sawirada ciidamo cusub oo yimid wasil iyo dagaal lagu qadayo Xarardhere

Daawo sawirada ciidamo cusub oo yimid wasil iyo dagaal lagu qadayo Xarardhere

0

Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya balse u abaabulay hab beeleed, kuwaas oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hub cul culus ayaa gaaray degmada Wisil ee Gobolka Mudug, iyada oo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyay.

Ciidamada ayaa waxaa hoggaaminayay mas’uuliyiin ay kamid yihiin Xildhibaan Xuseen Culusow iyo Wasiir hore Xuseen Batari iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug.

Wasiirka amniga Galmudug Maxamed Cabdi Gaboobe Xildhibaano ka tirsan Galmudug ayaa qeyb ka ahaa soo dhaweynta loo sameeyey Saraakiisha iyo Ciidamada ku biiraya Howl-gallka Xoreynta Konfurta Gobolka Mudug.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in saaka Waaberigii hore ay Ciidamada ka dhaqaaqaan degmada Wisil, iyaga oo kusii jeeda degaano hoostaga degmada Xarardheere, halkaas oo laga bilaabayo howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Ciidamada dowladda, kuwa daraawiishta Galmudug iyo kuwa degaanka ee hibka qaatay inay gudaha u galaan degmada Xarardheere, halkaas oo la sheegay inay isaga baxeen Al-Shabaab oo muddo tobanaan sano ah maamulayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here