Duqeymo iyo Dagaal culus oo ka socda degaanka Beer Faarax Aden oo ka dhacda waqooyi galbeed degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Dagaalkaan ayaa lagu dilay xubno aad u badan oo khawaarijta ka tirsan kuwaas oo halkaas isku abaabulayay.
Degaanka Beer Faarax aden ayaa hadda waxaa la wareegay ciidamda sida gaarka ah u Tababaran ee Gor gor ka dib markii Duqeyn cirka lagu saaciday.
Sidoo kale ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo ay kaabayaan daraawiishta ayaa qarka u saaran degaanka oo 50km u jirta degmada Xarar dheere. Waxaana wararka Caad laga helayaa ay sheegayaan in kooxdii Al-shabaab ay isaga baxeen degaanka Iyo Saldhiggii ay ku lahaayeen duleedka Shabeellow.
Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay Saddex ruux oo ka tirsanaa kooxda Argagixisada Al-shabaab. Waxaana jira duqeymo laga fuliyay ceel Cabdi oo u dhow Degaanka caad.