Home WARARKA GALMUDUG Faah faahino :-Wasiirad ka tirsanayd maamulkii qoor qoor oo muqdisho lagu dilay...

Faah faahino :-Wasiirad ka tirsanayd maamulkii qoor qoor oo muqdisho lagu dilay xalay

0

Wasiir ka tirsan Galmudug  ayaa  xalay lagu dilay Magaalada Muqdisho

 

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay caawa magaaladaasi ku dileen Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada ee Galmudug, Farxiya Cabdi Maxamed.

 

Haweeneydan ayay kooxahaasi ku dileen Degmada Warta Nabadda (Ex Wardhiigley), iyagoona dilka ka dib ka baxsaday goobtaasi.

 

Haweeneydan ayaa waxa ay ka mid ahayd Golihii Wasiirada ee 5-tii bishii December uu magacaabay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Madaxweyne Qoorqoor ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumadda, isagoona dilkeeda ku eedeeyay kooxaha argagixisada.

 

Farxiya Cabdi ayaa door weyn ku laheyd abaabulka gulufkii ballaarnaa, ee ay ciidamadu 16-kii bishan kula wareegeen gacan ku haynta Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here