Home WARARKA GALMUDUG Omar Gure Oo Sheegay in Gole deegaan loo Sameyn Doono Degmooyinka Galmudug...

Omar Gure Oo Sheegay in Gole deegaan loo Sameyn Doono Degmooyinka Galmudug ee Laga Xoreeyay Alshabaab

0

Omar Gure Oo Sheegay in Gole deegaan loo Sameyn Doono Degmooyinka Galmudug ee Laga Xoreeyay Alshabaab.

Iyadoo dhawaan Degmooyin ka tirsan Galmudug laga xoreeyay kooxda Argagixisada  Alshabaab sida Degmooyinka Xarardheere iyo Ceeldheer oo ka  kala tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayay Wasaaradda Arimaha gudaha ,Federaalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug waxay shaacisay in gole Deegaan loo sameyn doono Degmooyinka laga dulqaaday xukunka Argagixisada Alshabaab.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arimaha gudaha Galmudug Omar Gure ayaa sheegay in si ay adeegyada bulshada ee aas aasiga ah u helaan dadka ku nool Degmooyinka laga xoreeyay Alshabaab ay Dowladda Galmudug ka hirgelinayso Degmooyinkaas Maamulo dadku soo dooran doonaan sida dhismaha Goleyaasha Deegaanka oo horseed u noqon kara Horumarka Degmooyinkaas.

Hadalka Agaasimaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug Omar Gure ayaa kusoo aadaya iyadoo guul weyn ay Galmudug ka gaartay Dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab, lagana saaray dhul balaaran oo ka tirsan Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here