Home WARARKA GALMUDUG Tirada Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxyadii Ka Dhacay Degmada Maxaas Oo Sii Korortay

Tirada Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxyadii Ka Dhacay Degmada Maxaas Oo Sii Korortay

0

Dhimashada labadii qarax ee shalay ka dhacay degmada Maxaas ayaa gaartay 35 qof, halka dhaawuna uu yahay 40, sida uu wakaalada wararka ee Reuters uu u sheegay Xasan-kaafi Maxamed Ibraahim oo ah taliye ku-xigeenka Booliska Hirshabeelle.

Dadka ku dhintay qaraxyadan ayaa waxaa ka mid ahaa 10 qof oo isku qoys ahaa, sida uu VOA u sheegay Jaamac Maxamed Cali oo ka tirsan qoyska

“Dadka dhintay intooda badan waa dad rayid ah, waana haween iyo carruur,” ayuu yiri Xasan-kaafi Maxamed Ibraahim oo ah taliye ku-xigeenka booliska dowlad-goboleedka Hirshabeelle oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

Weerarkii ka dhacay degmada Maxaas ayaa ahaa kii ugu dambeeyay ee ay Al-shabaan qaaddo tan iyo markii ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka huwanta ah ay sannadkii hore bilaabeen inay Al-shabaab ka saaraan dhul ay muddo dheer gacanta ku hayeen.

Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxyadan. Sannadkii hore ayaa ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ee Mawisleyda oo taageero ka helayay ciidamada Maraykanka iyo kuwa Midowga Afrika ay Al-shabaab ka saareen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here