Home WARARKA GALMUDUG Qarax geystay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Gobolka Gedo

Qarax geystay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Gobolka Gedo

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Buurdhuubo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax lala xiriirinayey guddomiye 2-aad ee degmadaas, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa la sheegay in meel kamid ah kooxaha loogu xiray Gudoomiye Ku-xigeenka 2aad ee degmada Buurdhuubo Nuux Xasan Daa’uud.

Wararka aan la soo sheegay ayaa sheegaya in qaraxa ay ku qaadeen laba Wiil uu dhalay guddomiyaha halka ay ku tegeen mas’uuliyiin 2aad ee degmada Buurdhuubo iyo Wiilyar oo ay deris yihiin.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay Risaala u sheegeen in qaraxa kadib ay guriga, ciidamo ka tirsan kuwa maamulka degmada, kuwaas oo sameeyay baaritaano ah wallow aysan gacanta ku dhigin dadkii qaraxaas.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here