Category: Arimaha Bulshada

  • Markab ku sii jeeday Ruushka oo weli gubanaya kaddib weerar ka dhacay Gacanka Finland

    Markab ku sii jeeday Ruushka oo weli gubanaya kaddib weerar ka dhacay Gacanka Finland

    Howlgallada lagu badbaadinayo markab xamuul oo laga leeyahay Ruushka, laguna daminayo dab ka dhashay weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, ayaa weli ka socda bariga Gacanka Finland,

    sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.Markabka oo lagu magacaabo Sparta II ayaa ku sii jeeday gobolka Kaliningrad ee Ruushka, kaas oo ka go’an dhulka intiisa kale, markii la weeraray subaxnimadii Sabtida. Weerarka kaddib, markabku wuxuu u leexday dhinaca biyaha Finland.

    Ciidamada difaaca Finland ayaa sheegay in ay u badan tahay in Ukraine ay ka dambaysay weerarka, balse dowladda Kyiv weli kama aysan hadlin arrintan.

    Ilaalada xuduudaha Finland ayaa Axaddii sheegay in dadaallo lagu badbaadinayo markabka ay socdaan, si looga hortago inuu dego. Waxayse sheegeen in aysan jirin khatar ku wajahan maraakiibta kale ee halkaas maraya

  • dabciga dani waa ka daran yahay kii farmaajo (qoraal xiiso badan(

    dabciga dani waa ka daran yahay kii farmaajo (qoraal xiiso badan(

    Dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya waxey ku tilmaamaan Shaqsi siyaasadda u soo galay ka ganacsiga iyo xooleysiga gaarka ah, Nin si weyn ugu fashilmay hoggaanka Puntland, jahawareer iyo iska daba-jiitan siyaasadeedna uu abuuray intii uu hayay xilka Madaxweynaha maamulkaas.Shaqsi ciidamadiisu aysan ka amar qaadan.

    Shaqsi beec geeyay maamulka Puntland.Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Maamulka Puntland, kana mid ah musharrixiinta Madaxweynaha Soomaaliya 2022, waa 56 jir sannadkii 1966-dii ku dhashay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, halkaaso uu ku barbaaray, kuna wax bartay.Deni,

    wuxuu ka mid ka ahaa, ardaydii ugu danbeysay ee ka qalin baddesha Jaamacadda Ummadda, dabayaaqadii Kacaankii Lug-gooyo, wuxuuna marqaatiga 1-aad ka heystaa Kulliyadda Luuqadaha, halka uu Shahaadada labaad ee Master-ka ka qaatay Jaamacadda Putra Malaysia,

    takhasuskiisuna waa Maamulka (Master of Management).Siciid Cabdullaahi Deni, wuxuu siyaasadda si Active ah ugu jiray 10-kii sano ee la soo dhaafay, Sannadkii 2012, ayuu noqday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka JFS, ka hor inta uusan labo sano kadib, sanadkii 2014 noqon, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya.Doorashadii 2017 ee heer Federal, Deni,

    wuxuu ka mid ahaa, musharrixiintii u tartantay Xilka Madaxweynaha, wuxuuna ku haray wareeggii 1-aad ee baratanka, kadib marki uu la yimid kaliya 18 cod.Maalin talaaado ah, 8-da Jannaayo 2019, doorasho ka dhacday Garowe, ayaa Deni, loogu doortay Madaxweynaha maamulka Puntland, waxaana muddo xileedkiisa hoggaanka Bari iyo Nugaal uga dhiman 7 bilood.

    Dadka sida qoddoda dheer u yaqaanna Deni, waxa ay sheegaan inuu siyaasadda ka soo galay dhanka ganacsiga, waxayna ku tilmaamaan, inuu ugu horreeyo shaqsiyaadka siyaasadda u soo galay ka ganacsiga iyo xooleysiga gaarka ah.Siciid Deni, waxaa afartii sano ee la soo dhaafay, qiblo siyaasadeed u ahayd Dubai iyo Nairobi, oo muddadaas aan xiriir wanaagsan la lahayn DF, haka dano dhaqaale awgood, uu shirkadda DP-World, oo Baarlamaanka Soomaaliya dalka ka raacdeeyay ugu ku sii hayay Boosaaso

    .Waxaa la xasuustaa duullaankii uu saddex sano ka hor, billowgii November 2019, ku qaaday Xarunta Baarlamaanka Puntland, halkaasoo lagu dilay qaar ka mid ah ilaaladii Guddoomiyihii Baarlamaanka,

    ka hor inta uusan Xilka ka raacdeyn Cabdixakiim Dhoobo Daareed oo Guddoomiyaha Baarlamaanka ahaa.Dadka dhaliila siyaasaddiisa waxa ay ku eedeeyaan inuu yahay, shaqsi dabeecad-xun, oo aan adkeysi lahayn, isla-markaana mar kasta jecel inuu bixyo jawaab cadiifad ku dhisan, waxayna tusaale u soo qaataan, dhacdadii xarunta Baarlamaanka ee dhax martay isaga iyo Xildhibaan su’aal weydiiyay. Deni, waxaa lagu eedeeyaa inuu si weyn ugu fashilmay hoggaanka Puntland, jahawareer iyo iska daba-jiitan siyaasadeedna uu abuuray intii uu hayay xilka Madaxweynaha maamulkaas, wuxuu dagaallo laga baaqsan karay ka holciyay Boosaaso oo xarun u ah ganacsiga Puntland, taasoo sababtay geerida shacab aan waxba galabsan iyo barakaca kumanaan qoys oo danyar ah.Wuxuu kala jabiyay ciidankii Puntland, wuxuu siyaasadda wada-hadalka iyo wada-xaajoodka ku beddelay,

    siyaasadda kala adkaanshaha iyo is maquuninta, wuxuuna caburrin iyo cadaadis ku hayaa xaafiiska Madaxweyne ku xigeynka, wuxuu burburiyay laantii la xisaabtanka, wuxuu af-ka qabtay saxaafadda, wuxuuna xaafiiskiisa ku xeeray shaqsiyaad xigto la ah oo dadka kale ka xigsanaya maamulka.Dani,

    ma dhaqankaas ayuu u soo rarayaa Muqdisho oo ah xarunta Dowladda dhexe?, riyo soo-jeed, oo aan beyd run ka ahayn ayay u muuqtaa.Inkastoo Siciid Deni, uu afar sano mucaarad ku ahaa nidaamkii Farmaajo, haddana shacabku waxa ay ku doodayaan in dabciga Deni ka daran yahay midkii Farmaajo, loona baahan yahay in laga fogaado fowdo siyaasadeed oo hor leh, kadib shan sano oo xasillooni darro iyo hubanti la’aan xooggan jirtay.Miisaska lagu gorfeeyo siyaasadda, falanqeeyayaashu, waxa ay ku doodayaan in Siciid Deni, wareegga 2-aad ee doorashada Madaxweynaha dhisi doono, musharrax ka soo jeeda beesha Hawiye, si uu u helo kursiga labaad ee ugu sarreya dalka ee Ra’iisul Wasaaraha.

    Cabdullaahi Yuusuf oo ka yimid xaafiiska ugu sarreeya Puntland, ayaa Madaxweyne ka noqday Soomaaliya 2004, wuxuu Caasimadda ku dilay kumanaan qof, wuxuu barakiiyay in ka badan saddex malyan oo ruux, halka uu dhulka la simay dhismayaashii magaalada, maxaa laga filan karaa Siciid eni?

  • Qoromo xiiso leh Aabihii halganka iyo xaq u dirirka

    Qoromo xiiso leh Aabihii halganka iyo xaq u dirirka

    Taageerayaasha MFCaydiid, ee koofurta Muqdisho, ayaa 15 June 1995, u doortay Madaxweyne Soomaaliya, [Dowladdii salballaar]. hayeeshee, wuxuu maalin Arbaco ah 14 July 1996 Jananku ku dhaawacmay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, dhaawacaas ayuuna u geeriyooday 1st August 1996, oo ku beegan maanta oo kale 26 sano ka hor, waxaana gurigiisii rasmiga ahaa loo hooyay 4 August, 1996.

    GUNAANAD: U jeedka Allaha u naxariistee General Maxamed Faarax Xasan (Caydiid), wuxuu ahaa inuu meesha ka saaro nadaamka kaligii-talis-ka ah ee kaadida shacabka kalaxa ku shubay, wuxuu doonayay in Soomaalidu sinaato oo sharaf iyo karaamo ku wada noolaato, wuxuu ka dhag taagay darxumada dadkiisa dilatay iyo dowladda degaankiisa ku tumanaysa.

    Wuxuu qaatay go’aan geesinimo leh oo uu ku wajahayo Af-weynihii awoodda badan is bidiay ee Soomaalidu ugu mahmaahday “Afkaada qabso ama Af-weyne raac”, oo macnuhu ahaa xabsiga gal ama Xisbiga Hanti-wadaagga u sacbi, ugu danbeynna yoolkii halgamaa Caydiid ayaa guuleystay, markaas ayayna Soomaali is baratay oo si la isla-oggol yahay wax loo qeysaday.

  • Heshis lga gaaray xiisadi baladweyne

    Heshis lga gaaray xiisadi baladweyne

    Golis-Telecom

    Somali News

    Heshiis laga gaaray xiisaddii Garoonka Diyaaradaha Beledweyne.

    Posted by: Horseed Staff

    Heshiis ayaa laga gaaray khilaafkii iyo shaqaaqadii ka dhacday Garoonka Diyaaradaha magaalada Beledweyne, kaddib kulan dhexmaray…

    22 November, 2026

    ShareTweet

    Heshiis ayaa laga gaaray khilaafkii iyo shaqaaqadii ka dhacday Garoonka Diyaaradaha magaalada Beledweyne, kaddib kulan dhexmaray xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaalada iyo saraakiisha Ciidamada Jabuuti ee gacanta ku haya maamulka garoonka.

    Kulanka oo saacado badan qaatay kadib waxaa dhinacyadu isla garteen in duulimaadyada Garoonka Diyaaradaha Beledweyne dib loo bilaabo maalinta berri ah, kaddib hakad ku yimid howlihii duulimaadyada sababo la xiriira xiisaddii ka dhacday garoonka.

    Dhinacyada ayaa sidoo kale, isla gartay in guddi gaar ah loo saaro qiimeynta khasaaraha ka dhashay shaqaaqadii garoonka ka dhacday, si loo ogaado waxyeellada dhacdadaasi geysatay.

    Sidoo kale, waxaa lagu heshiiyey in ciidamada Macawiisley laga saaro gudaha garoonka, halka xildhibaannada Dowladda Federaalka loo oggolaaday inay magacaabaan guddi u gaar ah oo la socda habsami-u-socodka adeegyada iyo howlaha garoonka diyaaradaha.

    Heshiiskan ayaa daba socda xiisad ka dhalatay khilaaf la xiriiray maamulka iyo howlaha Garoonka Diyaaradaha Beledweyne, taas oo sababtay in ay hakad galaan adeegyada duulimaadyada, isla markaana ay soo dhexgalaan dhinacyo kala duwan si xal looga gaaro xaaladda.