Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mucaaradka ku eedeeyay inay diideen martiqaadkii dowladda ee wada-hadalka, isaga oo sheegay in dowladdu diyaar u tahay inay kulamo la yeelato, xitaa haddii ay noqoto in mucaaradka ugu tagaan guryahooda
.Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda ay mucaaradka ku casuuntay xarumaheeda iyo xafiisyadeeda, balse ay diideen inay yimaadaan, isaga oo xusay inaysan jirin wax caqabad ah oo hortaagan in dhinacyadu wada fariistaan oo ay ka wada hadlaan khilaafaadka siyaasadeed.
“Guryaha dowladda, xafiisyada dowladda iyo goobaha kale ee ay dowladdu joogto waan ku martiqaadnay.
Haddii aysan noo imaanaynna, guryahooda gaarka ah inaan ugu tagno ayaan diyaar u nahay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa mucaaradka ugu baaqay inay si cad u soo bandhigaan tabashooyinka ay ka qabaan dowladda, isaga oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu qaato talooyinkooda, xitaa haddii ay ka wanaagsan yihiin go’aannada iyo aragtida dowladda.
“Waxaan diyaar u ahay inaan taladiinna qaato, kaygii dhinac iska dhigo, kiinnana qaato. Kaliya i tus meesha aad u aragtaan inay wax ka khaldan yihiin, waan idin dhageysanaynaa, waana ka qaadanaynaa waxa ka wanaagsan,” ayuu yiri.

