{"id":689,"date":"2026-04-28T22:28:21","date_gmt":"2026-04-28T22:28:21","guid":{"rendered":"https:\/\/hobyomedia.com\/?p=689"},"modified":"2026-04-28T22:28:35","modified_gmt":"2026-04-28T22:28:35","slug":"689","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/hobyomedia.com\/?p=689","title":{"rendered":"Sida drones-ka Iiraan ay u beddeleen awoodda dagaalka caalamiga ah"},"content":{"rendered":"<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<h3 class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">ntii uu socday dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Isra&#8217;iil oo dhinac ah iyo dhanka kale Iiraan ayaa khabiir ka faalooda arrimaha milatariga oo la ydhaahdo Akram Khareef waxa uu daabacay buuggiisa Markhaatiga Dahsoon, kaas oo uu ku sharaxayo asalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan. Wuxuu sidoo kale iftiiminayaa istaraatiijiyadda ay Iiraan u adeegsatay inay kaga hortagto cunaqabataynta Mareykanka islamarkaana ay ku xoojiso awooddeeda milatari ee caalamka.<\/h3>\n<\/div>\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan ayaa si joogto ah laga arkaa hawlgallada Hezbollah ee xadka Isra&#8217;iil. Sidoo kale waxaa adeegsada Xuutiyiinta dalka Yemen. Bishii Sebteembar 2022, dunida ayaa la yaabtay wararka sheegaya in Iiraan ay siisay Ruushka tiknoolajiyadda diyaaradaha drones-ka.<\/p>\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Sidee ayay waddan muddo 40 sano ah ku jiray cunaqabatayn ugu suurtagashay in uu gaadho dhammaan arrimahaas?<\/p>\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Cunaqabataynta ayaa ku qasabtay hoggaamiyeyaasha Iiraan laga soo bilaabo 1979-kii in ay dib u eegaan fursadaha jira iyo waddooyinka ay uga gudbi karaan caqabadahaas, isla markaana ay qaataan go&#8217;aanno sax ah. Waxay sidoo kale ku qasabtay in ay ku kalsoonaadaan injineerradooda gudaha.<\/p>\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Markii Shah Mohammad Reza Pahlavi uu ka tagay Iiraan bishii Janaayo 1979, wuxuu ka tagay ciidan ka mid ahaa kuwa ugu xoogga badan gobolka, dhinaca hubka. Ciidanka cirka ee Iiraan ayaa markaas haystay diyaarado nooca F-14 Tomcat, F-4 Phantom, iyo F-5 Tiger.<\/p>\n<div id=\"dotcom-mpu\" class=\"dotcom-ad active\" aria-hidden=\"true\">\n<div class=\"dotcom-ad-inner\">\n<div class=\"dotcom-ad-text-wrapper\"><\/div>\n<div id=\"dotcom-slot-mpu\" class=\"dotcom-slot\" data-google-query-id=\"CKbl0tDLkZQDFblq9ggd728V2g\">\n<div id=\"google_ads_iframe_\/4817\/bbcworldservice.live.site.somali\/somali_content_1__container__\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Waqtigaas, ciidanka Iiraan wuxuu galay kaalinta shanaad ee adduunka marka la eego qalabka milatari, isagoo ku xigay ciidamada Mareykanka, Midowgii Soofiyeeti, Boqortooyada Ingiriiska, iyo Faransiiska. Ciidanka cirka ee Iiraan wuxuu xitaa ka horreeyay Jarmalka, Shiinaha, iyo Isra&#8217;iil, isagoo haystay diyaaradda F-14 Tomcat oo markaas ka mid ahayd diyaaradaha ugu horumarsan dunida.<\/p>\n<div class=\"css-79elbk e92pi9o0\"><\/div>\n<h2 id=\"Halabuurka-cusub-ee-Iran\" class=\"css-1szm4ix emoh99e1\" tabindex=\"-1\">Hal-abuurka cusub ee Iran<\/h2>\n<div class=\"css-1jir9cx\">\n<p><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"css-1seqhu9\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/640\/cpsprodpb\/dcbc\/live\/48c1d7c0-42f5-11f1-bd52-e755d604ece4.png.webp?resize=640%2C359&#038;ssl=1\" sizes=\"auto, (min-width: 1008px) 760px, 100vw\" srcset=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/240\/cpsprodpb\/dcbc\/live\/48c1d7c0-42f5-11f1-bd52-e755d604ece4.png.webp 240w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/320\/cpsprodpb\/dcbc\/live\/48c1d7c0-42f5-11f1-bd52-e755d604ece4.png.webp 320w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/480\/cpsprodpb\/dcbc\/live\/48c1d7c0-42f5-11f1-bd52-e755d604ece4.png.webp 480w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/624\/cpsprodpb\/dcbc\/live\/48c1d7c0-42f5-11f1-bd52-e755d604ece4.png.webp 624w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/800\/cpsprodpb\/dcbc\/live\/48c1d7c0-42f5-11f1-bd52-e755d604ece4.png.webp 800w\" alt=\"Jaamacadda Isfahan oo ay ardaydu ka shaqaynayaan mashruuca diyaaradaha aan duuliyaha lahayn\" width=\"640\" height=\"359\" \/><\/p>\n<p class=\"css-nyj3yn\" role=\"text\"><span class=\"css-2ozlq5\">Xigashada Sawirka,<\/span><span lang=\"en-GB\">Dans l&#8217;ombre du Shahed<\/span><\/p>\n<\/div>\n<h3 class=\"css-1qn0xuy\"><span role=\"text\"><span class=\"css-2ozlq5\">Qoraalka sawirka,<\/span><span data-testid=\"caption-paragraph\">Jaamacadda Isfahan oo ay ardaydu ka shaqaynayaan mashruuca diyaaradaha aan duuliyaha lahayn<\/span><\/span><\/h3>\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Bishii Sebtembar 1980, ciidamada Ciraaq ayaa weeraray dhulka Iiraan. Dagaal culus ayaa ka dhex qarxay labada dal, kaas oo socday muddo siddeed sano ah. Intii uu socday dagaalka, waxaa la adeegsaday xeelado dil iyo burbur ba&#8217;an leh, oo ay ku jireen hub kiimiko ah. Ku dhowaad hal milyan oo qof ayaa ku dhintay.<\/p>\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Ciidamada Ciraaq waxay gaadheen guulo marxaladihii hore ee dagaalka, taas oo ay ugu wacnayd awooddooda dhinaca cirka. Ciidanka Ciraaq waxay ka iibsadeen diyaarado sahamin ah Midowgii Soofiyeeti, waxayna ka qaadi jireen sawirro cirka ah, kuwaas oo ka caawinayay in ay arkaan meelaha uu cadowgu joogo iyo dhaqdhaqaaqyadooda.<\/p>\n<div class=\"css-79elbk e92pi9o0\"><\/div>\n<h2 id=\"Diyaaraddii-ugu-horreysay-ee-aan-duuliyaha-lahayn\" class=\"css-1szm4ix emoh99e1\" tabindex=\"-1\">Diyaaraddii ugu horreysay ee aan duuliyaha lahayn<\/h2>\n<div class=\"css-1jir9cx\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"css-1seqhu9\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/640\/cpsprodpb\/715a\/live\/6286faf0-42f5-11f1-ac78-2112837ce2aa.png.webp?resize=640%2C359&#038;ssl=1\" sizes=\"auto, (min-width: 1008px) 760px, 100vw\" srcset=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/240\/cpsprodpb\/715a\/live\/6286faf0-42f5-11f1-ac78-2112837ce2aa.png.webp 240w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/320\/cpsprodpb\/715a\/live\/6286faf0-42f5-11f1-ac78-2112837ce2aa.png.webp 320w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/480\/cpsprodpb\/715a\/live\/6286faf0-42f5-11f1-ac78-2112837ce2aa.png.webp 480w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/624\/cpsprodpb\/715a\/live\/6286faf0-42f5-11f1-ac78-2112837ce2aa.png.webp 624w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/800\/cpsprodpb\/715a\/live\/6286faf0-42f5-11f1-ac78-2112837ce2aa.png.webp 800w\" alt=\"Diyaaraddii ugu horreysay ee aan duuliyaha lahayn\" width=\"640\" height=\"359\" \/><\/div>\n<section class=\"emizsvy1 css-12e4ke4 e1hfaau0\" role=\"region\" aria-labelledby=\"podcast-promo\">\n<div class=\"css-79elbk e92pi9o0\">\n<div class=\"css-1uasm9p e1vpy7yi0\">\n<div class=\"css-60bygz emizsvy3\">\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p class=\"css-19eitaf emizsvy4\">Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.<\/p>\n<p class=\"emizsvy5 css-1trnqor e1m7b23l0\" dir=\"ltr\">Halkaan kaga soo biir<\/p>\n<\/div>\n<\/div>\n<p id=\"end-of-podcasts\" class=\"css-mcqrb5 e92pi9o2\" tabindex=\"-1\">Dhamaadka xayeysiinta<\/p>\n<\/div>\n<\/section>\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Xilligii dayrta 1983, qiyaastii meel 40 km u jirta jiidda hore ee dagaalka ayaa diyaaraddu waxay markii ugu horreysay dul martay ciidammada Ciraaq. Waxay kusoo laabatay iyadoo sidata sawirro muujinaya goobaha millatari. Kaddibna amar rasmi ah oo lagu bilaabayo samaynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa la bixiyay.<\/p>\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Barnaamijku wuxuu ka guuray aqoon-is-weydaarsi ay ardaydu ku lahaayeen Jaamacadda Isfahan, wuxuuna gaaray gacanta saraakiisha milatariga ee Ilaalada Kacaanka Iiraan. Si loo helo qalabka lagu dhisayo diyaaradahaas, waxaa qasab noqotay inay ka dhuuntaan cunaqabataynta oo ay galaan suuqyada caalamiga ah.<\/p>\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Ilaalada Kacaanku waxay dhiseen shabakad shirkado ah oo ku sugan Dubai, waxayna adeegsadeen dad jooga Singapore si ay uga iibsadaan qalab dalal kala duwan. Qalabkaas waxaa loo soo raray Isfahan, halkaas oo lagu soo ururiyay. Waxaa xusid mudan in qalab laga sameeyay Maraykanka laga helay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee nooca Shahed-136, kuwaas oo lagu soo riday Ukraine.<\/p>\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn waxay door weyn ka qaateen sahanka, waxaana ciidammada Iiraan u adeegsadeen dagaallo muhiim ah oo ay la galeen ciidamamda Ciraaq wixii ka dambeeyay 1983-kii. Si kastaba ha ahaatee, injineerrada iyo askartu waxay bilaabeen in ay ka fikiraan samaynta drones-kaasi ay ku leeyihiin dagaalka.<\/p>\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Haddii diyaarad aan duuliye lahayn oo sawir qaadaysa la hubeeyo, waxay awood u yeelan kartaa in ay weerarto oo burburiso bartilmaameedyo. Tani waxay u baahnayd tiknoolajiyad cusub, waxaana halkaas ka dhashay diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaan &#8220;Muhajir,&#8221; oo ay sameeyeen Cutubka Raad.<\/p>\n<h2 id=\"Diyaaradaha-aan-duuliyaha-lahayn-ee-Iiraan\" class=\"css-1szm4ix emoh99e1\" tabindex=\"-1\">Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan<\/h2>\n<div class=\"css-1jir9cx\">\n<p><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"css-1seqhu9\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/640\/cpsprodpb\/58df\/live\/86691390-42f5-11f1-ac78-2112837ce2aa.png.webp?resize=640%2C360&#038;ssl=1\" sizes=\"auto, (min-width: 1008px) 760px, 100vw\" srcset=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/240\/cpsprodpb\/58df\/live\/86691390-42f5-11f1-ac78-2112837ce2aa.png.webp 240w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/320\/cpsprodpb\/58df\/live\/86691390-42f5-11f1-ac78-2112837ce2aa.png.webp 320w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/480\/cpsprodpb\/58df\/live\/86691390-42f5-11f1-ac78-2112837ce2aa.png.webp 480w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/624\/cpsprodpb\/58df\/live\/86691390-42f5-11f1-ac78-2112837ce2aa.png.webp 624w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/800\/cpsprodpb\/58df\/live\/86691390-42f5-11f1-ac78-2112837ce2aa.png.webp 800w\" alt=\".\" width=\"640\" height=\"360\" \/><\/p>\n<p class=\"css-nyj3yn\" role=\"text\"><span class=\"css-2ozlq5\">Xigashada Sawirka,<\/span><span lang=\"en-GB\">Getty Images<\/span><\/p>\n<\/div>\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Mar kale, khabiiradda Iiraan waxay si dhow ula socdeen dhacdooyinkii ka socday Lubnaan. Xulafadooda Xisbullah ayaa ka caawiyay ururinta xog sax ah oo ku saabsan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa&#8217;iil. Waxay ogaadeen in drones-kaasi aysan ahayn kuwo aad u casri ah, islamarkaana khubaradooda ku sugan jaamacadaha Tehran iyo Isfahan ay awood u leeyihiin in ay ku daydaan.<\/p>\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Falanqeeyayaasha milatariga ayaa warbixinno badan ku sheegay in nidaamyadii hore ee drones-ka Iiraan ay leeyihiin astaamo badan oo la mid ah diyaaradaha Scout iyo Mastiff ee Israa&#8217;iil. Waxay tilmaamayaan in injineerrada Iiraan ay ka faa&#8217;iideysteen tiknoolajiyada Israa&#8217;iil.<\/p>\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Laga soo bilaabo 1970-meeyadii, khubarada hubku waxay aaminsan yihiin in gantaalka ugu waxtarka badan uu yahay midka sida saxda ah u garaaca bartilmaameed gaar ah, halkii uu si aan kala sooc lahayn wax u beegsan lahaa.<\/p>\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Iiraaniyiintu waxay ku dareen fikraddan hubkooda: haddii dalkoodu uusan kula tartami karin kuwa kale horumarinta tiknoolajiyada, waa inuu kula tartamaa tirada iyo kharashka dhaqaale.<\/p>\n<p class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Diyaarad aan duuliye lahayn oo ku kacaysa qiyaastii $20,000 lama barbar dhigi karo gantaal qiimihiisu gaarayo $2 milyan. Laakiin haddii 100 drone la adeegsado, cadowgu wuxuu ku khasbanaanayaa inuu rido tiro la mid ah ama ka badan oo gantaallo ah.<\/p>\n<div class=\"css-1k9op6x e17x9cvu0\" dir=\"ltr\">\n<h3 class=\"css-tmqcq9 eea635z0\" dir=\"ltr\">Diyaaradaha aan cidi wadin ee yaryar ee Iiraan looma samayn weerarro waaweyn oo hal mar ah, balse waxaa loo naqshadeeyay inay daaliyaan nidaamyada difaaca cirka ee cadowga oo ay kordhiyaan kharashka. Weerarrada Iiraan waxay socon karaan waqti dheer, maadaama ay 10 ilaa 20 jeer ka jaban yihiin nidaamyada difaaca gantaallada.<\/h3>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>ntii uu socday dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Isra&#8217;iil oo dhinac ah iyo dhanka kale Iiraan ayaa khabiir ka faalooda arrimaha milatariga oo la ydhaahdo Akram Khareef waxa uu daabacay buuggiisa Markhaatiga Dahsoon, kaas oo uu ku sharaxayo asalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan. Wuxuu sidoo kale iftiiminayaa istaraatiijiyadda ay Iiraan u adeegsatay inay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":690,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":""},"categories":[18,1,22,21],"tags":[],"class_list":["post-689","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-featured","category-uncategorized","category-wararka-galmudug","category-wararka-maanta"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v26.5 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Sida drones-ka Iiraan ay u beddeleen awoodda dagaalka caalamiga ah - Hobyomedia.com<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"noindex, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Sida drones-ka Iiraan ay u beddeleen awoodda dagaalka caalamiga ah - Hobyomedia.com\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"ntii uu socday dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Isra&#8217;iil oo dhinac ah iyo dhanka kale Iiraan ayaa khabiir ka faalooda arrimaha milatariga oo la ydhaahdo Akram Khareef waxa uu daabacay buuggiisa Markhaatiga Dahsoon, kaas oo uu ku sharaxayo asalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan. Wuxuu sidoo kale iftiiminayaa istaraatiijiyadda ay Iiraan u adeegsatay inay [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/hobyomedia.com\/?p=689\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Hobyomedia.com\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2026-04-28T22:28:21+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2026-04-28T22:28:35+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/hobyomedia.com\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/1-1.webp\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"800\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"449\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/webp\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hobyomedia\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hobyomedia\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"5 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/hobyomedia.com\/?p=689\",\"url\":\"https:\/\/hobyomedia.com\/?p=689\",\"name\":\"Sida drones-ka Iiraan ay u beddeleen awoodda dagaalka caalamiga ah - Hobyomedia.com\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/hobyomedia.com\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/hobyomedia.com\/?p=689#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/hobyomedia.com\/?p=689#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/hobyomedia.com\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/1-1.webp\",\"datePublished\":\"2026-04-28T22:28:21+00:00\",\"dateModified\":\"2026-04-28T22:28:35+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"https:\/\/hobyomedia.com\/#\/schema\/person\/68e0561c32382ab90e12160babc8a20c\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/hobyomedia.com\/?p=689#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/hobyomedia.com\/?p=689\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/hobyomedia.com\/?p=689#primaryimage\",\"url\":\"https:\/\/hobyomedia.com\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/1-1.webp\",\"contentUrl\":\"https:\/\/hobyomedia.com\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/1-1.webp\",\"width\":800,\"height\":449},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/hobyomedia.com\/?p=689#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/hobyomedia.com\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Sida drones-ka Iiraan ay u beddeleen awoodda dagaalka caalamiga ah\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/hobyomedia.com\/#website\",\"url\":\"https:\/\/hobyomedia.com\/\",\"name\":\"Hobyomedia.com\",\"description\":\"Wararka Galmudug iyo soomaliya\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/hobyomedia.com\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/hobyomedia.com\/#\/schema\/person\/68e0561c32382ab90e12160babc8a20c\",\"name\":\"hobyomedia\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/hobyomedia.com\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/db68b86ff791d75b794101fd8230b6e7d9dc9eb2176c8650412f2896985b9261?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/db68b86ff791d75b794101fd8230b6e7d9dc9eb2176c8650412f2896985b9261?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hobyomedia\"},\"sameAs\":[\"https:\/\/hobyomedia.com\"],\"url\":\"https:\/\/hobyomedia.com\/?author=1\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Sida drones-ka Iiraan ay u beddeleen awoodda dagaalka caalamiga ah - Hobyomedia.com","robots":{"index":"noindex","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Sida drones-ka Iiraan ay u beddeleen awoodda dagaalka caalamiga ah - Hobyomedia.com","og_description":"ntii uu socday dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Isra&#8217;iil oo dhinac ah iyo dhanka kale Iiraan ayaa khabiir ka faalooda arrimaha milatariga oo la ydhaahdo Akram Khareef waxa uu daabacay buuggiisa Markhaatiga Dahsoon, kaas oo uu ku sharaxayo asalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan. Wuxuu sidoo kale iftiiminayaa istaraatiijiyadda ay Iiraan u adeegsatay inay [&hellip;]","og_url":"https:\/\/hobyomedia.com\/?p=689","og_site_name":"Hobyomedia.com","article_published_time":"2026-04-28T22:28:21+00:00","article_modified_time":"2026-04-28T22:28:35+00:00","og_image":[{"width":800,"height":449,"url":"https:\/\/hobyomedia.com\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/1-1.webp","type":"image\/webp"}],"author":"hobyomedia","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hobyomedia","Est. reading time":"5 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/hobyomedia.com\/?p=689","url":"https:\/\/hobyomedia.com\/?p=689","name":"Sida drones-ka Iiraan ay u beddeleen awoodda dagaalka caalamiga ah - Hobyomedia.com","isPartOf":{"@id":"https:\/\/hobyomedia.com\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/hobyomedia.com\/?p=689#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/hobyomedia.com\/?p=689#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/hobyomedia.com\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/1-1.webp","datePublished":"2026-04-28T22:28:21+00:00","dateModified":"2026-04-28T22:28:35+00:00","author":{"@id":"https:\/\/hobyomedia.com\/#\/schema\/person\/68e0561c32382ab90e12160babc8a20c"},"breadcrumb":{"@id":"https:\/\/hobyomedia.com\/?p=689#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/hobyomedia.com\/?p=689"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/hobyomedia.com\/?p=689#primaryimage","url":"https:\/\/hobyomedia.com\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/1-1.webp","contentUrl":"https:\/\/hobyomedia.com\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/1-1.webp","width":800,"height":449},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/hobyomedia.com\/?p=689#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/hobyomedia.com\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Sida drones-ka Iiraan ay u beddeleen awoodda dagaalka caalamiga ah"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/hobyomedia.com\/#website","url":"https:\/\/hobyomedia.com\/","name":"Hobyomedia.com","description":"Wararka Galmudug iyo soomaliya","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/hobyomedia.com\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/hobyomedia.com\/#\/schema\/person\/68e0561c32382ab90e12160babc8a20c","name":"hobyomedia","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/hobyomedia.com\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/db68b86ff791d75b794101fd8230b6e7d9dc9eb2176c8650412f2896985b9261?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/db68b86ff791d75b794101fd8230b6e7d9dc9eb2176c8650412f2896985b9261?s=96&d=mm&r=g","caption":"hobyomedia"},"sameAs":["https:\/\/hobyomedia.com"],"url":"https:\/\/hobyomedia.com\/?author=1"}]}},"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/hobyomedia.com\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/1-1.webp","jetpack_sharing_enabled":true,"brizy_media":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/hobyomedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/689","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/hobyomedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/hobyomedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/hobyomedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/hobyomedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=689"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/hobyomedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/689\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":692,"href":"https:\/\/hobyomedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/689\/revisions\/692"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/hobyomedia.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/690"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/hobyomedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=689"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/hobyomedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=689"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/hobyomedia.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=689"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}