Daawo Sawiro:Shirweynaha Midnimada iyo Horumarinta Beesha Sacad oo Gaalkacyo Ka Furmay iyo...

Daawo Sawiro:Shirweynaha Midnimada iyo Horumarinta Beesha Sacad oo Gaalkacyo Ka Furmay iyo Qodobo Xasaasi Ah oo Kasoo Baxay

0
SHARE

 

Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug Maanta Waxaa Ka Furmay Shirweynaha Midnimada iyo Horumarinta Beesha Sacad ee Galmudug iyadoona Looga Aayaha Beesha iyo Arrimo La Xariira Hawlgalada Habeenadii ugu Dambeeyay Ka DHacay Gaalkacyo.

Waxgarad,Siyaasiyiin iyo Dhalinyaro Ayaa Ka Qeybgalay Shirka iyagoona Si Qoto Dheer iskula Falan Qeeyay Horumarinta Beesha iyo Sidii Loosii Xoojin Lahaa Midnimada Beesha Sacad-Habargidir.

Beesha Ayaa Si Kulul uuga Hadashay Hawlgalo Ciidamo Huwan Ah Ay Habeenadii Aynu Soo Dhaafnay Ka Sameyeen Koonfurta Gaalkacyo Kaasi oo AY Ku Kaxeesteen Dad Reer Galmudug oo Shabaab Ay Ku eedeeyen,Waxaan beeshu Ay Sheegtay in Marnaba Aysan u Dulqaadan Doonin in dad Aan Waxba Galabsan Dambi Dusha Laga Saaro.

Puntland Ayee Ugu Digeen inay Joojiyaan Faragalinta Ay Ku Hayaan Dadka Reer Galmudug Waxaana Beeshu Ay Sheegtay inay Nabad Diyaar utahay Qasabna Ay Tahay inay Dadkeeda Difaacdo.

 

Halkaan Hoose Ka Daawo Sawirada

Fillo Sawiro Dheeraad Ah insha Allaah

LEAVE A REPLY