Hobyo Waa magaalo Xudun u ah Somalliya , Waa Mgaaalo Leh Qayraad Dabiici ah , iyo Wax soo Saar kala duwan , inkastoo Hobyo uu dib u dhac wayn uu ku yimid tan iyo makii ay meesha ka Baxday Dowladii Dhexe ee Soomalliya , Burburka Daka soo wada gaaray ayay dhankedu qayb ka ahayd Balse waxa u dheera in Mgaaladaasi sidii looga Qaxay dadka in tooda badan aysan dib ugu soo laban oo ay dageen gobalka mudug iyo sidoo kale gobalka banaadir halkaasi oo ganacsatadii degankaasi ka soo jeeday ay ka abuureen ganacsiyo kala duwan
Rajada ah in a dhiso dakada hobyo waa mid dadka u dhashay reer hobyo ay waligood ku tamayeen sida ay shegayaan qaar ka mida odayaasha degankaasi oo 50 sano ee u danbeyay dagnaa magaalada hboyo waxana ay shegayaan in dowlada walba dalka soo marta ay sheegi jirtay in dakada hobyo loo sameyn doono
Faaidada muhiimka hadii hobyo dakada loo helo
Hakan laguma soo koofi karo Faaidooyinka muhiim ah hadii hobyo dakad loo helo blse arimaha saldhiga u ah aya ah kobaca dhaqaalaha gobalka, ganacsiga oo badanaya , canshuuro iyo dhakhli dherad ah oo gobaka soo galaya, shaqa abuurka dhalinyarada iyo sidoo kale dhismaha magaalada oo si xawli ah u sii faafi doona
Balanqaadkii Farmaajo ee Hobyo markii uu tagay Xagee ayuu ku danbeyay
Dhawaan ayay ahayd Markii wafdi Heer Qaran ah oo uu horkacayo Madaxweynaha Soomaliya mudane Farmaajo ay ka dageen magaalda Hobyo Halkaasi oo ay soo dhagax DHigeen Dakada Hobyo , Markii uu Muqdisho uu ku laabtay Madaxweyne Farmajo ayuu shegay in uu magacayo gudi isha ku hayn doona dakada hobyo iyo mashaariicdii uu soo dhagax dhigay waxa ka hirgalay
Wixii inta ka danbeyay ma jirin wafdi si toos ah arimah dakad au yimid oo hobyo booqday marka aga reebo safiirkii turkiga ee somaliya uu hal mar hobyo yimid taa oo a shegayay in dowlada turkiga ay dakada hobyo dhisi doonto
inkastoo warkaas xubno ka tirsan xafiiska madaxweyne xaaf laga helay hadana warka waxa uu ku soo biyo shubtay sidii looga war sugayay mid ah( qawda maqashee waxna ha u qaban ) waana hada hayska dadka reer hobyo ay ka aaminsan yihiin arinta farmaajo iyo socdaalkiisii hobyo in ay ahayd mid igu sawir oo kaliya ah
in dakad la dhiso ma ahan wax sahlan blse ifilaada muuqda ayay dadku u arkaan in arinta dakada hobyo dowlada soomaiya aysan daacad ka ahayn madama wixii safarkii farmajo ka danbeyay aanba la isku soo hadal qaadin arinta dakada hobyo
Madaxweyne Xaaf ayaa dhankiisa ku jaah wareersan haka uu wax ka bilaabi laha madama uu ku guda jiray arimaha mideynta galmduug iyo ahlusunna , iyo arimo la xiriria siyaasada dowada dhexe waxana arinta dakada hobyo ay noqotay mid aananba la is waydiin wixii arintaasi ka danbeyay sida ay shegayan ilo wareedyo muhiim ah oo ka tirsan xafiiska madaxweyne xaaf
Ugu Danbeyn rajada shacabka hobyo iyo mida galmudug ayaa ah in mar un hobyo ay yeelan doonto dakad taa oo dadku ay ku wada tamayaan blse xukumada soomaiya aya u eg mid aan u soo jeedin arintan marka laga eego dhacdooyinkii dhacay iyo halka ay ku wada danbeyen