Daawo Sawirada Dhismaha isbitaala Degamada Ceelgula oo Dhismihiisa La Bilaabay

Daawo Sawirada Dhismaha isbitaala Degamada Ceelgula oo Dhismihiisa La Bilaabay

0
SHARE

Degmada Celguula Gobolka Mudug Ee Galmudug Waxay Kala bartaa Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug Iyo Magaalo Xeebeedka Hobyo Ee Xarunta dhaqaalaha Galmudug oo Min 100KM ay ujirto,

Celguula oo caan ku ah Dhanka waxbarashada iney kaga horeyso deegaanada kale ee galmudug ayaa muddo waxaa aysan lahayn xarun caafimaad kadib ka bixitaanka dalka Hey’addii dhaqaatiirta aan xudduuda lahayn ee MSF Holand oo xarumo caafimaad ku lahayd Gaalkacyo Iyo Celguula.

Isbitaal Casri ah ayaa hada laga hirgalinayaa Magaalada Kaasi oo wax weyn ka taraya baahida dhanka Caafimaadka ee Deegaanka.

Masuuliyiinya Maamulka Galmudug iyo Bulshada Deegaanka ayaa ka qeyb qaadanaya Dhismaha Isbitaalka Ceelguula.

Si loo helo Xarun Caafimaad oo ay yeelatay Celguula &Deegaanada Hoos taga ayaa Maamulka Iyo Bulshada Degmada Celguula oo isku tashi sameeyay waxay bilaabeen bilowga wajiga koowaad ee Isbitaal lagu dhisayo.

LEAVE A REPLY