XOG: Farmaajo oo ka Carooday Warbixin Madaxda D/Gobaleedyada ay u gudbiyeen Beesha...

XOG: Farmaajo oo ka Carooday Warbixin Madaxda D/Gobaleedyada ay u gudbiyeen Beesha Caalamka

0
SHARE

Warar hoose oo ay heleyso  Warbaahinta ayaa sheegaya in Madaxda Maamul Gobaleedyada ay Dowlada uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ku tilmaameen kuwa Musuq maasuqay hantidii ay beesha Caalamka u qoondeysay Maamul Gobaleedyada.

Shirka lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Brussels ee Dalka Bulgium-ka ayaa watay Duufaan culus oo Dowlada Soomaaliya kasoo wajahday Madaxda Maamul Gobaleedyada oo Dowladaha kasoo qeyb galay shirka ku dacweeyay inay xuquuqda ay ku leeyihin dalka aysan helin.

Arrinta ugu xasaasineyd ee Madaxda Dowlad Gobaleedyada ku bahdileen Dowlada ayaa aheyd iyagoo Dalalka Deeq bixiyaasha Caalamka ka codsaday in Lacagaha ay ku taageerayaan aysan Dowlada Soomaaliya usoo marsiin oo iyaga ay toos ugu soo wareejiyaan taasoo noqoneysa caqabad cusub oo ka dhex dhalatay Dowlada iyo Maamulada hoostaga.

Sidoo kale Madaxda Maamul Gobaleedyada waxay ku eedeeyeen Dowlada dhexe inaysan fulin qodobada kasoo baxa shirarka ka dhaca Muqdisho iyo Magaalooyinka kale ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si weyn kaga carooday talaabooyinka ay qaadeen Madaxda Maamul gobaleedyada oo fashiliyay qorshaha dowlada Soomaaliya ay ka laheyd Beesha Caalamka oo ahaa inay maalgaliso dalka isla markaana dib u dhis ay ku sameyso Xarumaha burbursan iyo Waddooyinka waa weyn.

Beesha Caalamka ayaa hore dowlada Soomaaliya ugu xirtay Shuruudo ay ka mid yihiin inay meel iska saarto Musuq maasuq oo eedaha loo jeediyo marka ay soo cadeyso la siin soono qarashka kasta oo Soomaaliya lagu hormarinayo laakiin Madaxda Dowlad Gobaleedyada ayaa dadaalkii dowlada fashiliyay inkastoo balanqaadyo aan sidaasi usii weyneyn ay sameeyeen dalalka Midowga Yurub.

LEAVE A REPLY