Home WARARKA GALMUDUG Akhri sirta ku hoos duugan in ahlusunna ay sh shaakir madaxweynaha galmudug...

Akhri sirta ku hoos duugan in ahlusunna ay sh shaakir madaxweynaha galmudug u doortaan

0

Ka dib codeyn ka dhacday magaalada Dhuusomareeb Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa loo doortay inuu noqdo madaxweynaha Galmudug garabka Ahlu-Sunna Waljameeca .

Doorshadan ayaa waxaa codeeyey xildhibaanada baarlamanka Galmudug ee shalay ay soo dhistay Ahlu-Sunna, waxaana la sheegay inay la tartameen laba musharax oo markii dambe tanaasulay, iyadoo ka dibna Xildhibaanada ay codeyn gacan taag ah ku doorteen Sheekh Maxamed Shaakir.

Doorashada madaxweynaha Galmudug ee ay qaban-qaabisay DF ayaa la qorsheeyey berri oo khamiis ah iney ka dhacdo Dhuusamareeb, inkastoo warar soo baxaya ay sheegayaan in cadaadis ka yimid beesha caalamka awgeed laga yaabo in dib loo dhigo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here