Home Uncategorized Geeri Naxdin leh oo ka dhacday xaflad Aroos ka socotay Magaalada Gaalkacyo

Geeri Naxdin leh oo ka dhacday xaflad Aroos ka socotay Magaalada Gaalkacyo

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi ay hnbnkii xalay ahaa ku geeriyootay Gabar la sheegay inay xaflad Aroos ka ciyaareysay.

Goob joogayaal ayaa sheegay in gabadhan ay ka mid aheyd dad fara badan oo ka soo qeyb galay xaflada arooska, ayna si lama filaan ah dhulka ugu dhacday xilli ay ciyaareysay, kana qeyb qaadaneysay mashxarada arooska.

Dadkii halkaas joogay ayaa ku waramay in goobta ay xafladu ka dhaceysay oo aad u kululeyd loo malaynayo iney sababtay iney suuxdo gabadhan oo la xaqiijiyey iney laheyd uur yar, iyadoo markii isbitaalka loola cararayna la xaqiijiyey iney geeriyootay.

Markii la soo sheegay geerida gabadhan ayaa goobta aroosku ka dhacayey waxaa dabooshay murugo iyo argagax, iyadoo dadkii halkaas ku sugnaa ay si weyn uga naxeen geerida lama filaanka aheyd ee gabadha ku timid.

Xafladii arooska aheyd ayaa markii dambe gebi ahaan la joojiyey iyadoo dhacdadan caawa si weyn looga hadal hayo magaalada Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here