Home WARARKA GALMUDUG Is-beddel kale oo ka yimid doorashada Galmudug iyo wararkii ugu dambeeyey

Is-beddel kale oo ka yimid doorashada Galmudug iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa caawa mar kale waqti kordhin cusub u sameeyay is diiwaan gelinta musharaxiinta

Waa markii seddaxaad ee guddigan uu waqti kordhin u sameeyay is diiwaan gelinta musharaxiinta u tartameysa xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug.

Guddoomiyaha guddiga ayaa mar kale caawa shaaciyay in muddo 24-saac ah ay ku dareen waqtiga is diiwaan gelinta musharaxiin, isagoo carabka ku adkeeyey in waqti kordhintan ay noqon doonto tii ugu dambeysay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in doorashada madaxweynaha Galmudug ay ku dhici doonto waqtigii loo asteeyey, haatana uu socdo qorshihii ugu dambeeyay ee ku aadan sidii doorashada waqtigeeda loogu qaban lahaa.

Sagaal musharax ayaa illaa hadda maray nidaamka is diiwaan gelinta guddiga, afar ka mid ah ayaa u sharaxan madaxweyne, halka shanta kalena ay u sharaxanyihiin madaxweyne ku xigeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here