Home WARARKA GALMUDUG Maxaadan Ogeyn oo ka cusub Dh/mareeb & shirar gaar gaar ah oo...

Maxaadan Ogeyn oo ka cusub Dh/mareeb & shirar gaar gaar ah oo ka socda?

0

Maanta ayaa waxaa  ku eg diiwaangalinta Musharaxiinta Madaxweynaha  iyo Madaxweyne ku xigeen Maamulka Galmudug, sida uu  sheegay Guddiga Doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug

Guddiga ayaa muddo 24 saac ah shalay ku kordhiyay isdiiwaan gelinta Musharixiinta doorashada taasi oo ku eg maanta si musharaxiinta daneynaya in ay u tartamaan doorashada Galmudug ay fursad ugu helaan in ay is diiwaan galiyaan.

Afar Musharax oo kamid ah kuwa ugu saameynta badan tartanka Madaxweynaha Galmudug ayaan weli is diiwaan gelin, xili saacado kooban ay ka harsan yihiin waqtii ay qabteen guddiga doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka maamulka Galmudug

Musharaxiintaan ayaa kala ah, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, C/llaahi Faarax Wehliye, Kamaal Guutaale iyo Cabdi Dheere.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here