Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa qorsheynaya isku shaandheyn uu ku sameeyo Golihiisa Wasiirada.
Ilo wareedyo ka tirsan Xukuumadda ayaa inoo sheegay in qorshaha uu ka socda Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo,islamarkaana Ra’iisal wasaaraha lala wadaagay uuna aqbalay.
Sida xogta aan ku helnay Ra’iisal Kheyre ayaa maalmaha soo socda isku shaandheyn ku sameyn doona Golaha Wasiirada waxaana jiri doona xubno Wasiiro oo xilalka weynaya halka kuwo kale la isku bedelayo.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mr. Maareeye ayaa la sheegayaa inuu ka mid yahay xubnaha xilkooda ku weynaya isku shaandheynta la damacsan yahay,inkastoo si dhab ah warkaas loo hubin.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa mudo halsano ah u harsan,waxayna muteystay dhaliil iyo ammaan ku aadan howshii loo idmaday.