Home WARARKA GALMUDUG Deg deg dagaal mar kale dib uga qarxay dhuusamreb

Deg deg dagaal mar kale dib uga qarxay dhuusamreb

0


Dagaal xooggan ayaa hadda dib uga qarxay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug, ka dib dil toogasho ah oo ka dhacay Xarunta wasaaradda biyaha iyo Tamarta oo aan sidaas uga dheeray xarunta Inji ee ay ku sugan yihiin Madaxda Ahlusunna.

Dagaalka hadda bilowday ayaa ah mid ka xooggan dagaalkii xalay ka dhacay Magaaladaasi.

Xaalad kacsanaan ah ayaa laga soo sheegayaa Magaalada Dhuusamareeb,waxaana aaga dagaalka uu ka socdo ee Xarunta Inji iyo Madaxtooyada Gamudug ay saakay ilaa xalay ka barakaceen dadkii Shacabka ahaa ee deganaa.

Iska hor imaadka ayaa daba socda dagaal xalay ka dhacay iska goobta lagu dagaalamay, kadib markii ay israsaaseeyeen Ciidamo ka kala tirsan Booliiska Dowladda iyo kuwa Ahlu sunna, inta la xaqiijiyay dagaalkaas waxaa ku dhintay Askari katirsan Ciidamada Haramcad sida Ilo wareedyo sheegeen.

Magaaalada dhuusamreb hda waxaa laga msqlaya dhawaqa rasaas culus waxaana dagaalka uu u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan Ahlusunna iyo dowlada Somalia

Sh shaakir oo saaka saxaafada la hadlay ayaa sheegay in xalay ciidanka dowlada ay sooeweerareen xarunta inji oo ay dagan yihiin hogaanka sare ee Ahlusunna

La soco wixii warar ah oo ku soo kordhay Dagaalka Dhuusamareeb. Live:- Hobyomedia.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here