Home WARARKA GALMUDUG Xog Ciidamada xasilinta ee ku kala jiray xoolo dhaqatada galmudug iyo puntland...

Xog Ciidamada xasilinta ee ku kala jiray xoolo dhaqatada galmudug iyo puntland oo dowlada Somalia ay mushaarkii ka jaratay

0

Gobolka Mudug gaar ahaan Degmada Afbarwaaqo iyo Towfiiq waxaa ka socday dadaalo iyo hehsiisiin dad walaalo ah oo mudooyin badan colaadi dhex taalay ’

kadib mudo hada laga joogo 3.Bil ayaa Dowlada federaalka waxay geysay Ciidamo isku dhaf ah oo katirsan Qeybta 21,aad ciidnakaasina wuxuu ka koobnaa 2.baabuur oo ah kuwa Gaashaaman . Kadib waxaa dhacday in dowladu ay dhamaan lacagtii ka goosatay ciidanka 21.aad ee Howshaas loo xilsaaray ”

islamarkaana Taliyaha Ciidanka lugta ee xooga Ciidanka Soomaaliyeed oo arrintaas loo xilsaarayna wuxuu sheegay inuu yiri arrinkaas waxaa nooga muhiimsan Gedo iyo Dhuuso-mareeb oo aan ku mashquulsanahay .

Waxaa kaloo layaableh in Madaxweyne Farmaajo uu howshaan kala soo hadlay Gudoomiyayaasha Afbarwaaqo iyo Towfiiq uuna kuyiri waxkasta oo Nabadeynta Colaadaan waa ka qeyb qaadaneynaa , Waxayna balantu ay dowladu qaaday aheyd in ay shir dibu-heshiisiin ah oo labada Beelood ee halkaa ku dagaalamayay ay u qaban doonto 5-Feb-2020 Magaalada Galkacyo ,
Kadibna Colaada lasoo afjari doono ”

Marka waxaa isweydiin mudan in dib-u heshiisiin iskaba daaye ay labadii Gaari ee dowladu u dirtay ay ka jarteen garaamki mudo 40.tan maalmood ah ” ugggu dambeyn Markii lagu celceliyay dhibaatada taagan waxay dowladu ku jawaabtay ,Wasaarada Arrimaha-Gudaha , Taliyaha Ciidanka lugta iyo Madaxweynaha waa mashquulsanyihiin ee haday rabaan ha iska soo tagaan .


Hadaba waxaan ka digaynaa in Colaad beeleed Dowlada sababteeda ah ay halkaa kasoo If baxdo .

   

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here