Home WARARKA GALMUDUG Madaxii Al-Shabaab ee Jannaale & Awdheegle oo la Khaarijiyay & DF oo...

Madaxii Al-Shabaab ee Jannaale & Awdheegle oo la Khaarijiyay & DF oo ka hadashay

0

Dowlada federaalka ayaa shaacisay in ay ku dishay howlgal ay ciidanlka xoogga dalka ka fuliyeen deegaanka Janaale sarkaal sare oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab.Advertisement

Taliyaha ciidanka dhulka S/Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir, ayaa sheegay in weerar ka dhacay nawaaxiga Jannaale lagu dilay, Muxyidiin Sheekh Cabdi Al-anzaari oo Al-Shabaab u qaabbilsanaa Jannaale iyo Aw-dheegle.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in howlgalkaas lagu dilay laba salkaal oo kale, kuwaas oo uu balan qaaday in magacyadooda ay dib warbaahinta ula soo wadaagi doonaan.

Taliye Cabdixamiid ayaa sheegay in howlgalka uu xalay ka dhacay degaanada ku teedsan deegaanka Jannaale, halkaas oo ay ku tuhmayeen in ay ku suganyihiin Shabaab-kii laga saaray Jannnaale.Advertisement

Ugu dambeyntii Taliyaha ciidanka dhulka ayaa sheegay in dadka shacabka ah ay ku soo wargeliyeen in halkaas ay ku suganyihiin Al-Shabaab, sidaasna ay u qaadeen howlgalka lagu dilay xubnahaas ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here