Home WARARKA GALMUDUG Xog culus ahmed madoobe oo dagaal u diyaar garoobay

Xog culus ahmed madoobe oo dagaal u diyaar garoobay

0

Waxaa si xowli ah ku socda abaabulka iyo diyaargarowga uu wado madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe,kaas oo ka socda deegaano ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

Abaabulka dagaal oo labo weji leh ayaa midka ah hore wuxuu ku wajahan yahay sidii ciidanka Dowladda Federaalka looga saari lahaa gobolka Gedo oo ay kal hore qabsadeen.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland oo mudo Safar shaqo ku joogay Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa shalay gaaray Magaalada Dhoobley.

Waxaa Madaxweynaha Safarka uu ku tagay Degmada Afmadow ku wehelinayay Sarakiil Ciidan iyo qaar kamid ah labada gole ee Dowlada.

Inta uu Madaxweynahu ku sugnaa Degmada Afmadow waxaa isbadal la taaban karo lagu sameeyay howlaha ay Xukuumada halkaas ka wado iyadoo Madaxweynahu uu halkaas inta uu joogay la kulmay Ciidamada Darawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Aagaas ka howlgala iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here