Home WARARKA GALMUDUG DF oo howlgal qorsheysan ku dishay Madaxii Canshuuraha Al-Shabaab(Akhriso)

DF oo howlgal qorsheysan ku dishay Madaxii Canshuuraha Al-Shabaab(Akhriso)

0

Howgal qorsheeysan oo ay kumaandooska xoogga dalka ee danab ka fuliyeen degaanka leego ee gobolka shabeelaha hoose ayay ku bur buriyeen goob al-shabaab ay ku qaadayeen lacago baad ah.Advertisement

Howlaglka ayaa lagu qaarijiyay Madaxii canshuuraha Shabaab u qaabilsanaa degmada walan weeyn iyo degaanada hoos yimaada waxaa sidookale ciidanka halkaasi ay ku qaarijiyeen labo maleeshiyo oo lasocday.

Taliyaha guutada kumaandooska xoogga dalka ee danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa warbaahinta Dowladda  u sheegay in howlgalka uu yimid kadib markii cabasho ay katimid dadka shacabka wadadaasi isticmaalo ciidanka oo ka jawaabaya cabashada dadka soomaaliyeed inay bur buriyeen gabi ahaanba goobtii lacagaha baada ah lagu qaadayay islamarkaasna lagu dilay horjoogihii qaabilsanaa iyo ciidamadiisa.

Taliyaha ayaa intaasi kudaray in sarkaalka howlgalka lagu dilay lagu magacaabo abuu Haashim balse magaciisa oo dhameystiran dib kasoo sheegidoonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here