Home WARARKA GALMUDUG Diyaarado duqeyn culus oo Khasaaro ka tegay kaga geystay Qaybo ka mida...

Diyaarado duqeyn culus oo Khasaaro ka tegay kaga geystay Qaybo ka mida Somalia

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay Saqdii dhexe diyaarado dagaal ay duqeyn ka fuliyeen deegaano hoostaga degmooyinka Ceel-waaq iyo Baardheere,duqeyntaas oo geysatay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.Advertisement

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in deegaanka Cows-qurun oo qiyaastii 70 km koofur kaga beegan Ceel-waaq ay duqeyn culus ka dhacday,isla markaana ay ku geeriyoodeen Haweeney iyo laba caruur ah oo ay dhashay halka mid kale uu soo gaaray dhaawac culus.

In kastoo sirasmi ah aan loo ogeyn diyaaradaha duqeymaha ka fuliyay deegaannadaas ayaa waxaa dhowr jeer oo hore duqeymo culus deegaannadaas ka fuliyay diyaaradaha dagaalka dalka Kenya oo ciidamo farabadan ay ka joogaan deegaano ka tirsan Gobolka Gedo iyo Jubbooyinka.

Waa habeenkii labaad oo deegaano ka tirsan Gobolka Gedo oo ay diyaarado duqeyn ka geystaan,waxaana habeen ka hor diyaarado laga leeyahay dalka kenya ay duqeyn ka geysteen deegaano ku yaal xadka kala qeybiyo Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here