Home WARARKA GALMUDUG Xiisad dagaal oo daba joogta dagalkii shalay ee gaaalkacyo o tagan manta...

Xiisad dagaal oo daba joogta dagalkii shalay ee gaaalkacyo o tagan manta iyo odoyaal aaday…..

0

Xiisad Dagaal ayaa la laga soo sheegayaa Degaanka Saaxqurun ee Galbeedka Gobolka Mudug, taas oo u dhexeysa Ciidamada Danab qeybta 21-aad iyo Ciidamo u abaabulan qaab beeleed isla markaana ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Galmudug oo shalay ku dagaalamay Magaalada Gaalkacyo.

Xiisaddii shalay oo maamulka Gobolka iyo Xildhibaano kala dhexgaleen ayaa loo saaray Degaanka Saaxqurun, waxaana saakay Ka daba baxay ciidamada oo uu hogaaminayo Taliyaha Qeybta 21-aad Gen Qooje dagaari.

Dadka degaanka oo aan la hadalnay ayaa noo sheegey inay dareemayaa cabsi badan madaama Xaaladda dagaal isla markaana ay suura gal tahay in dagaal bilowdo.

Maamulka Gobolka Mudug iyo odoyaasha Dhaqan ka ayaa hadda Gaalkacyo ka baxay si ay u kala celiyaan dhinacyada iska haya degaankaasi.

Maamulka Galmudug ayaan war ka soo saarin Dirirtaan u dhexeysa Ciidamada Danab iyo kuwaan ka tirsanaa Daraawiishta Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here